28.1 C
Mogadishu
Monday, April 20, 2026

Somaliland oo DF u jeedisay eedeyn culus oo la xiriirta rabshadaha Boorama

Bookmark
Bookmarked

Share

Boorama (Caasimada Online) – Xukuumadda Soomaaliya oo warsaxaafadeed soo saartay ayaa eedeyn culus u jeedisay dowladda federaalka Soomaaliya, taas oo la xiriirta xaaladda adag ee ka taagan magaalada Boorama ee xarunta gobolka Awdal.

Wasaaradda arrimaha dibadda Somaliland ayaa sheegtay in dowladda dhexe ay farogelin ku hayso arrimaha Somaliland, gaar ahaan xiisadda ka taagan Awdal.

“Dawladda Jamhuuriyadda Somaliland ayaa si adag u cambaaraysay faragelinta joogtada ah iyo falalka wiiqaya xasilloonida ee ay ku tallaabsatay dawladda Soomaaliya ee ku wajahan xaaladda Magaalada Boorama” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.

Sidoo kale, Somaliland waxa ay sheegtay in ficillada Soomaaliya ay ka hor imanayaan qawaaniinta iyo hab-dhaqanka caalamiga ah, sida ay hadalka u dhigtay.

Hoos ka akhriso qoraalka oo dhammeystiran:-

Dawladda Jamhuuriyadda Somaliland ayaa si adag u cambaaraysay faragelinta joogtada ah iyo falalka wiiqaya xasilloonida ee ay ku tallaabsatay dawladda Soomaaliya ee ku wajahan  xaaladda Magaalada Boorama.

Sidaasna waxa lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha dibadda iyo Iskaashiga caalamiga ah ee JSL oo ay soo turjuntay Wakaaladda Wararka ee SOLNA, ayaa lagu caddeeyay in Tallaabooyinka maamulka Muqdisho ay yihiin qaar si qorshaysan loo hindisay, loona abaabulay si ay u abuuraan  xiisado isla markaana u faafiyaan marin-habaabin, si ay ugu abuuraan  kala-qaybsanaan laga dhex dhaliyo bulshada Somaliland ee nabadda iyo deganaanshaha ku wada nool.

Xukuumadda Somaliland waxa ay sheegtay in facaa’ilka Soomaaliya ay ka hor imanayaan qawaaniinta iyo hab-dhaqanka caalamiga ah, iyadoo farogelin aan la aqbali karin ku haysa arrimaha gudaha ee Jamhuuriyadda Somaliland.

War-murtiyeedkaas waxa lagu iftiimiyay in Dawladda Somaliland marnaba aanay ogolaan doonin isku day kasta oo lagu wiiqayo amniga guud, lagu dhaawacayo midnimada ummadda ama lagu kicinayo rabshado gudaha ah.

Waxa kaloo ay bayaamisay in Hay’adaha amniga Somaliland ay u heellan yihiin ilaalinta amniga shacabka, dejinta xaaladda, iyo ku dhaqanka sharciga si xirfad iyo xasillooni leh.

Warsaxaafadeedka waxa lagu xusay in dawladda Somaliland ay  ka tacsiyadaysay ehelada dadkii shacabka ahaa ee ku dhintay  rebshadihii ugu dambeeyay ee dhacay Boorame. Waxa kaloo warku intaas ku daray in  Hay’adaha ay khuseysaa ay diyaarinayaan guddi baadhitaan madax-bannaan oo xaqiiqo raadin ah, si loo caddeeyo duruufaha ku xeeran dhacdooyinkaasi.

War-murtiyeedka Wasaaradda Arrimaha Dibadda waxa lagu bayaamiyay in  Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland uu shacbiga ugu baaqay deganaansho, waxaannu xaqiijiyay in dawladdu ay si dhow ula shaqayn doonto madaxda dhaqanka, bulshada rayidka ah, iyo dhammaan daneeyayaasha si loo hubanti looga dhigo xasilloonida iyo xal nabadeed oo waara.

“Somaliland waxa ay  adkaysay in midnimadeeda iyo xasilloonideedu yihiin kuwo aan wiiqmi karin oo aanay suurtogal ahayn in lagu waxyeeleeyo farogelin lagu abaabulayo rebshado iyo dayaacado la faafiyo,”ayaa lagu sheegay war-saxaafadeedkaas.

Ugu dambayn, Dawladda Jamhuuriyadda Somaliland waxay ugu baaqaysaa dalalka gobolka, beesha caalamka iyo hay’adaha masuulka ka ah amniga inay gaashaanka u daruuraan  falalka wiiqaya xasilinta mandaqada  ee ay Soomaaliya samaynayso.

- Advertisement -

Read more

Local News