Muqdisho (Caasimada Online) – Weerar ismiidaamin ah ayaa waxa uu hadda ka dhacay Xaafadda Cali kamiin Degmada Warta nabadda ee Gobolka Banaadir.
Dad goobjoogayaal ah ayaa soo warinaaya in weerarka uu fuliyay ruux naftii halige ah oo isku soo miidaamiyay walxaha Qarxa kaasi oo watay Mooto nooca loo yaqaan Bajaaj-ka.
Ruuxaani naftii haligaha ah ayaa waxa uu weerarka la eegtay Ciidamo ka tirsan kuwa Dowlada oo howlgal ka waday Xaafadda Cali kamiin kuwaasi oo uu soo gaaray khasaare aad u xoogan.
Weerarka ayaa waxaa ku dhaawacmay ilaa 7 ruux oo u badnaa Ciidamada weerarka ismiidaaminta ah lagu fuliyay.
Dhimashada ayaa la sheegayaa in kor ay usii dhaafeyso ilaa 2, waxaana iminka halkaasi gaaray Ciidamada Dowlada.
Ma jirto cid sheegatay mas’uuliyada Qaraxa, balse waxaa la soo warinayaa in ismiidaamiyuhu uu ku qeyla dhaaminaayay Alaahu akbar.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

