Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud ayaa maanta hortagay xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya waxaana kulan gaar ah oo uu la qaatay xildhibaanada Digil iyo Mirifle uu kusoo dhamaaday fashil.
Madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud ayaa kulankaan gaarka ah la qaatay xildhibaanada baarlamaanka ee kasoo jeeda beeshaasi, kuwaasi oo diidanaa dalab horey uu usoo jeediyay madaxweynaha oo ahaa iney meel mariyaan hishiiska.
Xildhibaanada baarlamaanka ee kasoo jeeda Baay iyo Bakool ayaa ku adkeystay in xubnaha aqalka sare ee baarlamaanka lagu qeybiyo nidaamka 18 gobol, iyadoo gobol walbaana la siinayo min seddex xubnood.
Xildhibaanada ayaa sidoo kale si cad u sheegay ineysan ogolaan doonin in beelaha qaar la siiyaa sagaal xubnood kuwo kalana la siiyaa 8 xubnood halka beelaha qaarna aysan waxba ka helin aqalk sare ee baarlamaanka.
Kulankaasi ayaa wuxuu kusoo dhamaaday fashil, maadaama madaxweynaha ujeedada uu lahaa uusan ka helin xildhibaanada baarlamaanka ee kasoo jeeda Baay iyo Bakool.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

