26.1 C
Mogadishu
Thursday, June 26, 2025

Mas’uul ka tirsan DFS oo Muqdisho lagu dhaawacay & Darawalkiisa oo..

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimda Online)-Waxaa goordhow magaalada Muqdisho ee caasimada Somalia lagu weeraray ku-xigeenka Xeer ilaaliyaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida Gaashaanle dhexe C/llaahi Xuseen Maxamed Mayoonge.

Mas’uulkaani ayaa waxaa weeraray maleeshiyaad watay gaari nooca raaxada ah, waxa uuna weerarka ka dhacay Agagaarka Saldhigga Degmada Warta-nabadda.

Weerarka ayaa waxaa lagu dilay darawalkiisa, waxa uuna sidoo kale uu dhaawac soo gaaray xeer ilaaliye ku-xigeenka Gaashaanle dhexe C/llaahi Xuseen.

Gaariga uu watay xeer ilaaliye ku-xigeenka ayaa la sheegay in lagu hor gooyay gaariga ay maleeshiyaadka wateen, waxa uuna gaarigaasi goobta ka baxsaday isaga oo aan dhameysan dantiisa.

Dhaawaca Gaashaanle dhexe C/llaahi Xuseen ayaa loo qaday mid kamid ah Isbitaalada ku yaalla Magaalada Muqdisho.

Masuuliyiinta dhanka ammaanka Degmada Warta Nabadda ayaa sheegay in lagu raadjoogo dadkii ka dambeeyay falkaasi lagu dhaawacay Xeer Ilaaliye ku xigeenka Maxkamada Ciidamada Qalabka Sida ee Somaliya.

Ciidamada Nabad Suggida Somaliya Iyo Booliska oo gaaray goobta ay wax ka dhaceen ayaa halkaasi waxa ay ka wadaan baaritaano dhanka ammaanka ku saabsan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News