Dekadda Boosaaso oo 10 maalin xiran iyo sababta

Boosaaso (Caasimadda Online) – Sida ay xogta ku heshay Shabakadda Caasimadda Online, waxaa ku dhawaad muddo 10 Maalin ah xiran Dekadda Magaalada Boosaaso ee Maamulka Puntland kadib markii ganacsatada ay ka godoodeen Canshuur cusub oo lagu soo rogay.

Sidoo kale waxaa xiran Suuqa weyn ee Magaalada Boosaaso iyadoo albaabada la isugu dhuftay bakhaaradii iyo dukaamadii yaryaraa kadib markii ay sheegeen ganacstada inaysan awoodin canshuurta cusub ee lagu soo rogay.

Maalintii Khamiista aheyd ayaa waxaa Magaalada Boosaaso ka dhacay banaanbax weyn oo arrintaan looga soo horjeedo, waxaana sidoo kale socdo qaban qaabada banaanbaxyo kale oo la filayo inay ka dhacaan Magaaladaas.

Qaar ka tirsan ganacstada joojiyey inay wax kala soo dagaan Dekadda Boosaaso oo la hadlay Caasimadda Online ayaa sheegay in lagu soo rogay Canshuur cusub oo ay ku sheegeen  ujeedada laga leeyahay inay tahay sidii loogu adeegsan lahaa siyaasadaha kasoo cusboonaaday Soomaaliya gaar ahaan in lagu taageero Maamulka Jubbaland.

Waxaa fashil kusoo dhammaaday dhawr kulan oo ay yeesheen Maamulka Puntland iyo Ganacsatada gadoodsan, waxayna kulamadaas kusoo dhammaadeen fashil iyo isfaham darro.

Sidoo kale Caasimadda Online ayaa ogaatay in Puntland wajaheyso dhaqaale xumo, waxaana illaa hadda la bixin muddo 4 bil ah mushaarka ciidamada kala duwan xilli ay Puntland ku jirto xaalad dagaal oo kala dhaxeyso Somaliland iyadoo laga qabsaday Deegaanada Sanaag iyo Boorame.