Hiiraan: Laba caruur ah oo ku geeriyootay waadi kusoo dumay

Beledweyne (Caasimada Online)-Wararka naga soo gaaraya deegaanka Ceel-gaal ee gobolka Hiiraan ayaa waxa ay sheegayaan in galabta halkaas ay ku geeriyoodeen laba caruur ah, kadib markii uu kusoo dumay waadi biyo ku jireen, iyaga iyo hooyadood.

Caruurtaan ayaa hooyadood waxa ay biyo ka siineysay waadigaas ay biyuhu ku jiraan oo mara duleedka deegaanka Ceelgaal ee gobolka Hiiraan.

Maxamuud Cali Koombe oo ka mid ahaa dadkii u gurmaday hooyada iyo labada caruurta ah ee waadigu kusoo dumay ayaa sheegay in meydka  caruurtaas ay ciida hoosteeda kasoo saareen, kadib mudo saacado ah oo ay raadinayeen.

Maxamuud oo u waramay Idaacadda Kulmiye ee magaalada Muqdisho ayaa sheegay in caruurta geeriyootay hooyadood uu soo gaaray dhaawac culus, kadib markii ay ciidda ka hoos mareen, iyada iyo ilmaheed oo geeriyooday.

Sidoo kale goobjoogahan ayaa sheegay in dhaawaca hooyadii dhashay caruurta geeriyootay hada lagu dabiibayo cisbitaalka guud ee magaalada Beledweyne.

Labada caruurta ah ee geeriyootay ayaa da’dooda lagu kala sheegay afar jir iyo laba sano jir, waxayna ka dhasheen qoys reer guuraa ah.

Halkaan ka dhageyso wareysiga Maxamuud Cali Koombe