Dekedda Bosaso oo la ballaarinayo.

Wasaarada Dekadaha iyo Gaadiidka Badda Puntland ayaa mudooyinkii ugu danbeysey ka wadey dekedda magaalada Bossaso mashaariic lagu balaarinayo oo qayb ka ah dadaalka dowladda Puntland ugu jirto sidii loo horumarin lahaa shaqada dekedda.

Agaasimaha guud ee wasarada Dekaddaha Puntland Cabdimajiid Samatar Jaafaan oo maanta 14 October,2012 warbaahinta kula hadlayay xarunta Dekadda  Bossaso ayaa ka war bixiyay qorshaha lagu balaarinayo dekada,wuxuna sheegay in la bur buriyay xarunta Necfish ee ku taalay dhabarka danbe ee dekada laguna daray Dekedda.

“Run ahaantii dhulkaan cusub ee lagu diray dekada ayaa waxa uu ka kooban yahay 120 miter iyo 113 ,waxaana dhul loogu tallo galay in la dhigo qalabka dekada la keenayo amase laga dhoofinayo qaarkood waxaa laga dhigayaa wadooyin laami ah iyo goobo wax lagu kaydiyo”.

Dhanka kale agaasimaha ayaa sheegay qarashka ku  baxaya dhismaha goobtani cusub uu yahay mid ka yimi dowlada iyo shacabka reer Puntland balse aysan jirin hayada ama urur ka caawiyay dhaqaalaha lagu dhisayo.

Dekdda Bossaso ayuu tilmaamey agaasimuhu inay tahay haatan mid mashquulkeedu badanyahay maadaama lagu jiro xligii Xajka oo xoolo badan la dhoofinayo.

Ugu danbayntii Agaasimaha guud ee wasaarada Dekaddaha iyo Gaadiidka BaddaPuntland ayaa ku tilmaamay dhisada Dekedda inay tahay mid wax wayn ka badali doonta dhanka horumarinta dhaqaalaha dalka.

Isha: Radio Garowe