Deni oo xarunta is diiwaan-gelinta doorashada la tegay tirada xildhibaanada uu haysto

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland, Saciid Cabdullahi Maxamed (Deni) oo maanta is-diiwaangeliyey ayaa qaatay shahaadada musharaxnimada ee madaxweynaha 10-aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Saciid Deni ayaa xarunta guddiga doorashada ee Aqalka Sare la tegay xildhibaano uu sheegay inay taageersan yihiin, ayada oo shuruudda musharaxiinta ay ka mid aheyd inay helaan saxiixa 20 xildhibaan.

Sawir laga soo qaaday ayaa muujinaya Saciid Deni oo dhexda uga jira illaa qiyaastii 30 xildhibaan oo u badan xubnihii kasoo kala baxay maamul goboleedyada Jubbaland iyo Puntland.

Tirada xildhibaanada ee Saciid Deni u raacay xarunta diiwaan-gelinta ayaa ah tiradii ay horey u qiyaastay Caasimada Online inuu haysto taasi oo dhan 30 xildhibaan oo macnaheedu yahay inaanu dhaafi karin wareegga koowaad.

Deni oo horey loo rumeysnaa inuu haysto taageerada inta badan xildhibaanada Puntland iyo Jubaland, ayaa niyad jab weyn kala kulmay Sabtidii.

Sida ay ogaatay Caaismada Online, Saciid Deni ayaa isugu yeeray xildhibaanada labadaas maamul goboleed si uu ugu sameeyo qado sharaf iyo inuu kala hadlo doorashada madaxweynaha Soomaaliya oo la filayo inay dhacdo 15-ka bishan.

Kulanka oo lagu casuumay 80 xildhibaan oo isugu jiro xildhibaanada laba aqal ee baarlamanka Soomaaliya ee laga soo doortay Jubbaland iyo Puntland ayaa waxaa Sabtidii kasooo qeyb galay kaliya 33 xildhibaan, taasoo muujineyso in sidii loo maleeyey aanu Saciid Deni taagero uga heysan xildhibaanada labadii maamul goboleed ee uu isku haleenayey.

Xildhibaanada qaar oo la hadlay Caasimada Online ayaa Saciid Deni ku eedeeyey inuu soo burburiyey maamul goboleedkii Puntland ee loo dhiibay, islamarkaana uu iska hor keenay qeybaha kala duwan ee bulshada Puntland.

15-ka May oo ay dhaceyso doorashada ayaa lagu kala bixi doonaa xerada Afisyoone oo lagu qabanayo doorashada madaxweynaha 10-aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.