Beesha caalamka oo war kasoo saartay doorashada madaxweynaha Soomaaliya

Muqdisho (Caasimada Online) – Saaxiibada beesha caalamka ee ku sugan Muqdisho ayaa maanta soo saaray war-saxafaadeed ku saabsan doorashada madaxweynaha Soomaaliya ee la qorsheeyey inay Muqdisho ka dhacdo 15-ka May 2022, ayaga oo ka digay dib u dhac ku yimaada.

Saaxiibada beesha caalamka ayaa sheegay inay soo dhoweynayaan ku dhawaaqista guddiga qabanqaabada baarlamaanka ee ah in doorashada Madaxweynaha ay dhici doonto maalinta Axadda, ayaga oo bogaadiyey sida ay ku socoto diiwaan gelinta musharixiinta iyo u diyaargarowga kale ee loogu jiro inaan laga dib dhicin waqtiga kama dambeysta ah ee doorashada. 

“Waxaa na dhiirigelinaya horumarka wanaagsan ee laga gaaray diiwaangelinta musharrixiinta u taagan xilka madaxweynaha iyo u diyaargarowga kale ee loogu jiro inaan laga dib dhicin waqtiga kama dambeysta ah ee doorashada,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka beesha caalamka.

“Ma jirto wax marmarsiinyo ah oo sabab u noqon karta dib u dhac kale oo dheeraad ah. Iyadoo labada Aqal ee Baarlamaankaba la dhaariyay oo si buuxda u shaqeynayaan, arrin kasta oo doorasho oo taagan waa in ay xalliyaan madaxda baarlamaanka ee sida saxda ah loo doortay.”

Qoraalka kasoo baxay beesha caalamka ayaa ugu dambeyn lagu yiri “Waxaan ku boorinaynaa madaxda Soomaaliya inay si degdeg ah, nabdoon oo kalsooni ku dheehan tahay ku soo gabagabeeyaan marxaladdan kama dambeysta ah ee geeddi-socodka doorashada si loogu soo jeesto arrimaha dalka iyo dowlad-dhisidda ee mudnaanta leh”.

Wuxuu qoraalka beesha caalamka kusoo aadayaa xilli ay maanta ku egtahay is diiwaangelinta musharixiinta, waxaana illaa hadda la diwaan geliyey musharixiin ku dhow 40 iyadoo saacadaha soo socdana la filayo inay kuwa kale qaataan shahaadada.

Musharaxiinta ayaa waxaa ka mid ah madaxweynaha hadda xilka haya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo madaxweyneyaal hore Shariif Shekeh Axmed iyo Xasan Sheekh Maxamuud, ra’iisul wasaare hore, madaxweyne goboleedyo, xildhibaano iyo siyaasiyiin kale.

Magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya ayaa laga dareemayaa ololaha doorashada, waxaana la filayaa inay doorashadaan noqoto doorashadii ugu badneyd oo ay ka qeyb galaan musharixiin u taagan xilka madaxweynimo ee Soomaaliya.

Qoraalkan ayaa waxaa si wada jir ah usoo saaray: Hawlgalka Kalaguurka Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS), Belgium, Canada, Denmark, Masar, Itoobiya, Midowga Yurub (EU), Finland, Jarmalka, Urur-Goboleedka (IGAD), Ireland, Talyaaniga, Japan, Kenya, Boqortooyada Sacuudi Carabiya, Ururka Jaamacadda Carabta (LAS), Holand, Norway, Ururka Iskaashiga Dalalka Islaamka (OIC), Qadar, Ruushka, Suudaan, Iswiidhan, Iswisarland, Turkiga, Uganda, Isutagga Imaaraadka Carabta, Boqortooyada Midowday ee Britain, Dowladda Maraykanka and Qaramada Midoobay.