Derek Chauvin oo xukun culus loogu ridday dilkii Floyd

Muqdisho (Caasimada Online) – Ninkii caddaanka ahaa ee horay uga tirsanaa booliska Mareykanka Derek Chauvin ayaa lagu xukumay 22 sannadood ee badh oo xabsi ah dambiyo la xiriira dilkii George Floyd ee bishii May ee sannnadkii hore ee 2020-kii.

Floyd ayaa geeriyooday ka dib markiii sarkaalka uu jilibka kaga hayay luqunta muddo ka badan 9 daqiiqadood. Mar sii horreeysay Derek Chauvin ayaa qoyska Floyd uga tacsiyeeyay geerida wiilkooda.

Xeer Ilaaliyaha dacwada ayaa codsaday in lagu xukumo Chauvin xabsi soddon sano ah maadaama uu galay saddex dambi.

Dhinaca kale Bannaanka dhismaha ayaa waxay dadka kaga doodayeen in xukunka uu yahay mid u qalma iyo in kale, waxayna dadka qaar ku doodayeen in sannadada lagu xukumay Derek Chauvin ay yar yihiin halka qaarna ay yirahdeen muddada la xukumay iyo dambiga waa ay isu dhigmaan.

Dacwad oogaha ayaa dalbaday in Derek lagu xukumo 30 sannadood oo xabsi ah. Dhanka kale qaeenka qoyska Floyd Ben Camp ayaa xukunka ku tilmamay inuu yahay mid taariikhi ah oo ku aaddan xal u helidda midab takoorka Mareykanka.

Dilkiisii ayaa waxa uu horseeday dibadbayo waaweyn oo ka dhacay guud ahaan dunida.

Mr Chauvin waxaa lagu soo oogay dacwad dil ah oo loo yaqaanno heerka labaad, taasoo micnaheedu yahay in dilka uu u geystay si aan ku talogal ahayn.

Chauvin ayaa sidoo kale loo sheegay inuu isku diiwaan geliyo inuu yahay dambiile waxaana laga mamnuucay inuu yeesho qori noloshiisa oo dhan.

Qoyska Floyd iyo taageerayaashiisa ayaa soo dhaaweeyay xukunka lagu riday Derek Chauvin.

Mr Floyd walaashiis Bridgett Floyd ayaa sheegtay in xukunka “uu muujinayo in arrimaha ku saabsan naxariis darada booliska ugu dambeyn si dhab ah loo qaatay” laakiin wali “waxaa harsan wado dheer”.

Madaxweyne Joe Biden wuxuu sheegay in xukunka “uu u muuqday mid ku habboon” laakiin wuxuu qirtay inuusan ogeyn dhammaan faahfaahinta.