Madaxweyne goboleedkii labaad oo Muqdisho yimid

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya, waxaana si weyn loogu soo dhoweeyey garoonka Aadan Cadde.

Axmed Madoobe iyo wafdiga uu hoggaaminayo ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho uga hortegay mas’uuliyiin ka tirsan labada gole ee dowladda.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa noqonaya madaxweynihii labaad ee soo gaaray Muqdisho, waxaana ka horreeyey madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Lafta Gareen.

Ujeedka socdaalka Axmed Madoobe ayaa waxa uu la xiriiraa ka qeyb-galka shirka golaha wada-tashiga qaran ee uu dhowaan iclaamiyey ra’iisul wasaare Rooble.

Shirkan oo ah mid xasaasi ah ayaa waxaa wararkii ugu dambeeyey ee sheegayaan inuu ku yimid dib u dhac, maadaama lagu ballamay inuu si rasmi u furmo maanta oo Sabti ah.

Dib u dhacan ayaa waxaa sababay arrimo la xiriira dabaal-degga xuska 26-ka June oo maanta ku beegan iyo sidoo kale madaxda qaar oo aan weli soo gaarin caasimada.

Sidoo kale waxaa haatan la sugayaa oo saacadaha soo socda imaan doono Muqdisho madaxweynayaasha maamul goboleedyada Galmudug, HirShabelle iyo Puntland.

Wada-hadallada markale Muqdisho ka dhacaya oo ku soo aadaya, xilli xasaasi ah ayaa waxaa diirada lagu saarayaa arrimaha doorashooyinka dalka, gaar ahaan qodobadii ka fuli waayey heshiiskii horey loo gaaray iyo dar-dar-gelinta jadwalka doorashooyinka 2021-ka.