25.1 C
Mogadishu
Friday, July 4, 2025

“DFS marar badan ayaan codsigeena u gudbinay, waana ku celcelinaynaa” !!!

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo uu soo ifbaxaayo kala aragti duwanaansho ka dhalatay goobta lagu qabanaayo shirka Maamulka loogu sameynayo gobalada Mudug iyo Galgaduud, ayaa waxaa arrintaasi si caro leh uga hadlay Nabadoon Yuusuf Ducaale Warsame oo kamid ah Odayaasha degmada Dhuusamareeb.

Nabadoon Yuusuf Ducaale Warsame, ayaa sheegay inaysan ka qeybqaadan doonin Shirka ka furmi doono Magaalada Cadaado, waa haddii ay DF Somalia ku adkeysato in halkaasi lagu qabanaayo.

Nabadoonka ayaa sheegay in marnaba aanay ka laaban doonin go’aankoodi ahaa in shirka aan lagu qaban degmada Cadaado dowladana ay codsigaasi ugu celcelin doonaan, isagoona taa badalkeeda ku taliyay in mudnaanta shirka uu yahay in lagu qabto Magaalada Dhuusamareeb.

Nabadoon Yuusuf Ducaale Warsame oo taasi ka hadlaayay ayaa waxa uu yiri “Anaga codsigeenii kama laabanayno waxaan rabnaa in shirka Dhuusamareeb lagu qabto, hadii laga fursan waayana Gaalkacyo in la geeyo, meel kale anagu raali kama nihin”

Waxa uu soo hadal qaaday Amaanka Magaalada Cadaado waxa uuna carabka ku adkeeyay in Cadaado uusan ka jirin wax amaan ah, taasina ay dhalinkarto in Ergooyinka ay gacanta u galaan waxa uu ugu yeeray Cadowga.

Dhanka kale, inta badan Odayaasha Dhuusamareeb ayaa isku raacay in Shirka lagu qabto Magaalada Dhuusamareeb bacdamaa ay dhaliileen qaabka loo xaqiijinaayo Amaanka xarunta Cadaado ee la doonaayo inuu ka dhaco shirka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News