DF Itoobiya oo qiratay in ciidankeedu ay toogteen shaqaale ka tirsanaa QM

Addis Ababa (Caasimada Online) – Dowladda Itoobiya ayaa xaqiijisay in askarteedu ay toogteen koox ka tirsan Qaramada Midoobay oo gaari ku dhex marayay waqooyiga dalkaas oo ay ciidanku kula dagaalamayeen xoogggaga Tigrayga.

Afhayeen u hadlay dowladda Itoobiya ayaa shaqaalaha Qaramada Midoobay ku eedeyay inay soo galeen aag aan loogu talagelin.

Wuxuu ku eedeeyay inay si toos ah u dhex mareen laba bar kontorool inta aan la xirin. Qaramada Midoobay ayaan ilaa haatan wax jawaab ah ka bixin dhacdadaas lagu dilay shaqaalaheeda.

Kooxda ayaa lagu soo waramayaa inay isku dayayeen inay gaaraan xero ay ku jiraan qaxootiga reer Eritrea ah.

Waxaa jirta cabsi laga qabo in qaar kamid ah ay ku dhex go’doonsan yihiin dagaallada u dhaxeeya ciidamada dowladda federaalka Itoobiya iyo kuwa TPLF.

Waxaana soo baxaya warar sheegaya in qaxootiga lagu qasbay inay fuulaan gawaari xamuul ah oo ay dib ugu laabtaan dalkooda Eritrea.

Toogashaas ayaa dhacday Axadii todobaadkan, balse afhayeenka u hadlay dowladda dhexe ee Itoobiya ma shaacin tirada shaqaalaha ay dileen ee ka tirsanaa Qaramada Midoobey.