25.2 C
Mogadishu
Saturday, June 28, 2025

DF oo aan weli helin cid ka iibsata xirmooyinka shidaal iyo shirkado lagu riixayo

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimadda Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay ka hadashay halka uu marayo iibi geynta xirmooyinka Shidaalka ee Soomaaliya.

Wasiirka Batroolka Dowladda Federaalka Soomaaliya Cabdirashiid Maxamed Axmed ayaa sheegay inaysan dowladda Soomaaliya we helin shirkado ka ogolaada in ay qaataan xirmooyinka shidaalka ee la hubiyey in dalka leeyahay.

Wasiirka ayaa sheegay inaysan weli wax shirkad ah helin balse ay weli wasaaradda iyo dowladda ay wadaan halgan ku aadan sidii loo suuq geyn lahaa Xirmooyinka shidaalka ee laga helay Soomaaliya.

Wuxuu sheegay wasiirka inay suuq u raadinayaan 50 Milyan oo Fuusto Saliid ah oo la ogaaday inuu dalka Soomaaliya heysto isla markaasna ay socoto ololaah suuq geynta.

Qeyb kamid ah fuustooyinkaasi ayaa waxay ku jiraan dhanka ay muranka gelisay Kenya taasi oo dacwadeeda ay haatan hortaalo Maxkamada Cadaalada Aduunka. Balse “annga ayaase leh,” ayuu wasiirku yiri.

“Maya,” ayuu mar kale ku jawaabay markii la waydiiyey hadii ay dowladda heshay shirkado qaata xirmooyinkaasi. Isaga raaciyey “Waxaan rajeynayaa in aan heli doono, maadaama ay heshiisyo cusub gelnay”.

Wasiirka ayaa xusay inay jiraan shirkado ay Dowladda Soomaaliya habi fiican ka qabto inay iibsadaan xirmooyinka shidaalka, wuxuuna sheegay inay kamid yihiin Shell iyo Exxon Mobil kuwaasi qeyb kamida xirmooyinka ay siisey dowladii kacaanka.

Wasiirka ayaa ka gaabsaday inuu ka hadlo waqtiga ay qaadan karto in shirkadahaan iyo kuwa kale lagu qanciyo inay iibsadaan xirmooyinka Shidaalka Soomaaliya ee lagu soo bandhiogay Shirkii ka dhacay Magaalada London Bishii February.

Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News