DF oo beesha caalamka ka dalbatay in loo ballamiyo madaxda gobaleedyada oo laga reebay A/Madoobe

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar lagu kalsoon yahay oo ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaya in masuuliyiin ka tirsan madaxtooyada Soomaaliya ay xubnaha beesha Caalamka ka dalbadeen in loo ballamiyo madaxda dowlad gobaleedyada dalka marka laga reebo madaxweynaha maamulka Jubaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe.

Villa Somalia ayaa sheegtay iney dooneyso in ay la kulanto madaxda maamullada taabacsan iyo madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni, si looga wada hadlo arimaha COVID-19, doorashooyinka, xaaladaha ammaanka iyo arrimaha siyaasadda.

Sidoo kale Villa Somalia ayaa dalbatay in kulankaasi oo Online ah ay goob jog ka noqdaan xubnaha Beesha Caalamka qaarkood balse uusan ka soo qeyb gelin Madaxweyne Axmed Madoobe, oo ay sheegtay in aysan aqooneen doorashana laga qaban doono Jubbaland.

Lama oga sida ay ugu suurta geli doonto dowladda Soomaaliya dalabkeeda balse xogta aan helnay ayaa sheegaysa in aysan wali aqbalin xubnaha beesha Caalamka sidoo kalane aysan diidin.

Soomaaliya waxay la daala dhaceyso cudurka COVID-19, kaas oo soo ritay in ka badan kun qof halka ku dhawaad 60 qofna u dhinteen, waxaana lagu baaqay in dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada ay u midoobaan sidii wax looga qaban lahaa.

Beesha caalamka ayaa sidoo kale dooneyso in dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada ay ka wada hadlaan sida laga yeelo arrimaha doorashooyinka, ayada oo ka digtay in dowladda dhexe ay qaadato go’aan aysan dowlad goboleedyada raali ka ahayn.