Ciidanka DF oo dad shacab ku rasaaseeyey Muqdisho iyo khasaare ka dhashay

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya shaqaaqo khasaare geysatay oo barqanimadii maanta ka dhacday waaxda Tawakal degmada Yaaqshiid ee gobolka Banaadir, kadib markii ay isku dhaceen shacab iyo ciidan Boolis ah.

Dhacdadaan ayaa timid, kadib markii ciidamada amniga ee ka howlgala Yaaqshiid ay ku dayeen inay burburiyaan guryo la’isku heystay oo ku yaalla dhabarka dambe Miisaanka Dhuxusha, waxaana arrintaasi ka dhashay dibadbax ay dhigeen dadka deegaanka.

Wararka ayaa sheegaya in dadweynaha isku soo baxay oo haween u badnaa ay hor istaag ku sameeyaan ciidamada, balse askartu ay u adeegsadeen rasaas.

Ugu yaraan labo haween ah ayaa lagu soo warramayaa inay ku dhaawacmeen halkaasi, kuwaas oo loola cararay isbitaalka, sida uu xaqiijiyey qof goobjooge ah.

“Waxa aan kusoo baxay nuuq ka taagan xaafadda, durba waxa aan isku dayay in aan kala dhexgalo si qaab nabadeed loogu dhameeyo rabshada taagan, balse dadka ayaa dhagaxaan ku tuuray askarta oo iyanna rasaas ay fureen ku dhaawacmeen labo Gabdhood oo loo qaaday isbitaal” ayuu yiri mid ka mid ah dadka deegaanka.

Illaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay saraakiisha ammaanka iyo maamulka degmada Yaaqshiid oo ku aadan dhaawaca loo geystay haweenkaasi.

Xaaladda ayaa haatan degan, waxaana socda dadaallo lagu xalinayo xiisadaasi, kuwaas oo ay wadaan waxgaradka deegaanka.