Dhaqaalaha Sacuudiga oo hoos dhac weyn sameeyey iyo dowladda dalkaas oo tallaabo yaab leh qaaday

Riyad (Caasimada Online) – Dowladda Sacuudiga ayaa qaadeysa tallaabo ay ku kaabeyso dhaqaalaheeda kadib markii xanuunka safmarka ah ee Coronavirus uu hoos u dhac weyn oo dhanka dhaqaalaha ku keenay dunida oo dhan.

Saameynta dhaqaale ee xun wuxuu dowladda Sacuudiga ku qasbay iney joojineyso maciishadii ay siin jirtay muwaadiniinta, waxaana looga gol leeyahay in la yareeyo kharashaadka ka baxaya dowladda.

Sida ay sheegtay wakaaladda wararka Sacuudiga waxaa jirtay cunno dhan 1,000 riyaal oo u dhiganta 267 Doolar oo la siin jiray shaqaalaha, inkastoo la bilaabay sanadkii 2018 markaas oo laga kaabayay culeyska ka qabsan kara canshuurta iibka iyo sicirka shidaalka oo sare u kacay.

Boqortooyada Sacuudiga waxey la kulantay hoos u dhac dhaqaale midkii ugu weynaa muddooyinkaan maadaama uu hoos u dhac ku yimid iibka saliidda, Bangiga dhexe ayaa diiwaangaliyay in tan iyo sanadkii 2011 ay keydka lacagta qalaad ee dalka uu gaaray bishii Maarso heerkii ugu hooseysay.

Laga bilaabo 1-da July canshuurta iibka sacuudiga waxey noqoneysaa 15% halka markii hore uu ahaa 5%, sidoo kale gunadii maciishadda waxaa la joojin doonaa 1-da June.

Sida la baahiyay Boqortooyada waxey u baahatayn 9 Bilyan Doolar oo amaah ah saddexdii bilood ee ugu horreysay sanadkaan, sidoo kale 22% ka mid ah dakhliga dalka ayaa hoos u dhacay kadib hoos u dhaca ku yimid Saliidda, waxaana lagu sheegay iney dhan tahay 34 Bilyan oo Doolar.