DF oo billowday qorshaha xigga deyn cafinta iyo kulan ka dhacay Nairobi

Nairobi (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa billowday qorshaha xigga deyn cafinta oo xilligaan mareysa marxalad geba-gebo ah.

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda XFS mudane Biixi Imaan Cige ayaa maanta magaalada Nairobi kulan muhiim ah kula yeeshay qaar ka mid ah Safiirada iyo Wakiilada dalalka deeq bixiyayaasha.

Kulanka ayaa waxaa looga wada-hadlay arrimaha horumarinta Maaliyadda Soomaaliya iyo dhameystirka qorshaha deyn cafinta oo haatan maraya heerkiisii ugu dambeeyay.

Sidoo kale, Wasiirka Maaliyadda ayaa kala hadlay madaxdii uu maanta la kulmay sidii dowladda Soomaaliya ay u heli laheyd taageero ku filan kadib marka uu dhamaado hannaanka deyn cafinta.

Wasiir Biixi ayaa ku amaanay Wakiiladii iyo Safiiradii uu la kulmay doorkooda saaxibtinimo ee ay Soomaaliya la garab taagan yihiin.

Deyn-cafinta Soomaaliya ayaa la filayaa in si rasmi ah looga dhawaaqo bisha December ee sanadkan 2023-ka, sida uu hore u shaaciyay wasiirka maaliyadda Soomaaliya.

“Dhammaan shuruudihii dhinaceeda waa soo dhammaadeen kaliya waxaan sugeynaa go’aanka oo aan fileyno inuu soo bixi doono,” ayuu yiri Wasiir Biixi.

Si kastaba, Soomaaliya ayaa buuxisay dhammaan shuruudihii looga baahnaa hanaanka deyn-cafinta, ayada oo arrintaas ay dadaal badan ku bixiyeen xukuumadihii kala dambeeyay ee dalka.