DF oo dalab xasaasi ah u dirtay IGAD kadib warbixintii guddiga xaqiiqo raadinta

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa ugu baaqday urur goboleedka IGAD inuu baabi’iyo warbixinta ay soo gudbiyeen guddiga xaqiiqo raadinta ee ururka uu u diray xuduudda ay la wadaagto Kenya, ayada oo sheegtay in warbixintaas ay si weyn saameyn ugu yeelatay Kenya.

Qoraal kasoo baxay wasaaradda arirmaha dibedda Soomaaliya ayaa lagu soo bandhigay dhowr qodob oo muujinaya in guddiga reer Jabuuti ay u eexdeen Kenya, sida ay rumeysan tahay Soomaaliya.

Waxaa qodobadaas ka mid ah in wasaaraddu ay sheegtay in tan iyo markii guddiga uu howshiisa billaabay 9-kii Janaayo uu dhowr mar oo is-xigxigay booqday Kenya, halka uu Soomaaliya u yimid si kooban oo kaliya.

“Guddiga wuxuu sidoo kale warbixintiisa ku qirtay in lagu qaaday diyaaradaha helicopter-ka ee ciidamada Kenya, xilli guddiggu ku guda jiray shaqo xaqiiqo raadin ah oo la xiriirtay ciidamada ay Kenya soo dhoobtay xuduudda. Taas waa qirasho qeexeysa eexda guddiga, islamarkaana dhaawaceysa isku haleynta iyo sidoo kale dhex-dhexaadnimada dowladda Jabuuti, taasi oo sidoo kale dhaawac ku ah IGAD,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Soomaaliya ayaa sidoo kale sheegtay in guddiga ay diideen inay ayaga oo ay wehliyaan wafdi wasiiro ah booqdaan magaalada Beled-Xaawo, taasi oo ay xigtay dagaalkii xuduudda ka dhacay 25-kii bishan. Diidmadaas ayay Soomaaliya sheegtay inay Kenya ku dhiiri-gelisay inay mar kale soo weerarato ciidanka Soomaaliya ayada oo garab siineysa ciidamada wasiirka Amniga Jubaland Cabdirashiid Janan.

 “Ciidanka weerarka soo qaaday waxaa tababaray, quudiyey oo taageerayey ciidanka KDF ee Kenya. Waxaana taas TV-yada Kenya ka xaqiijiyey xildhibaanada laga soo doorto NFD. Hase yeeshee guddiga wuxuu aad xiiso ugu qabay inuu qariyo halka ay joogaan maleeshiyada si uu qanciyo dowladda Kenya,” ayaa lagu yiri qoraalka wasaaradda arrimaha dibedda Soomaaliya.

“Sidaas darteed la yaab ma lahan in natiijada howlgalka xaqiiqo raadinta guddiga ay noqoto mid dhan u janteerta, qabyo ah, oo aan sal laheyn, waxayna muujineysaa inay si cad u faro-gelisay dowladda Kenya, saameyna ugu yeelatay warbixinta,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Wasaaradda ayaa sidoo kale sheegtay in warbixinta guddiga ay si weyn u dhaawaceyso dhex-dhexaadnimada iyo maqaamkii Jabuuti ee ahaa saaxiib la aaminay oo dhex-dhexaad ah.

Dowladda Soomaaliya ayaa sidaas darteed ugu baaqday IGAD in warbixinta guddiga la baabi’iyo, islamarkaana IGAD uu soo diro guddi xaqiiqo raadin ah oo ka kooban dhowr dal. 

Haddii aanay IGAD sidaas sameyn, Soomaaliya ayaa sheegtay inay xaq u leedahay inay xuquuqdeeda ku raadiso hab diblomaasiyadeed ayada oo mareysa Midowga Afrika iyo Golaha Ammaanka QM, haddii loo baahdo.