DF: Waa luntay kalsoonidii aan ku qabnay ciidamada Kenya ee ku jira AMISOM

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday inay lumisay kalsoonidii ay ku qabtay in ciidamada KDF ee Kenya ay awood u leeyihiin inay taageeraan dadaallada lagu xasilinayo Soomaaliya.

Arrintan ayey Soomaaliya ku shaacisay qoraal kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibedda oo ay ku diiday warbixinta guddiga xaqiiqo raadinta ee IGAD ay usoo direen xuduudda Soomaaliya iyo Kenya.

Soomaaliya ayaa ku eedeysay in dowladda Kenya ay joogitaankeeda Soomaaliya uga faa’iideysaneyso inay sare ugu sii qaaddo danaheeda qaran ee gaarka ah ee ay ka leedahay Somaaliya. 

“Haddii aan si fudud u dhigno, ciidamada KDF ma taageeri karaan xasilloonida Soomaaliya ayaga oo dhanka kalena hurinaya xasillooni darrada Soomaaliya,” ayaa lagu yiri qoraalka wasaaradda arrimaha dibedda. 

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa sidoo kale si xooggan u cambaareysay “faro-gelinta tooska ah ee Kenya ay ku hayso Soomaaliya, ayada oo taageereysa maleeshiyo sharci-darro ah oo argagax gelinaya” shacabka Soomaaliya.

Inkasta oo Soomaaliya aysan si toos ah u dalban in ciidamada Kenya ay ka baxaan dalka, ayaa haddana qoraalkan wuxuu noqonayaa kii ugu adkaa ee ka dhanka ah joogitaanka ciidamada Kenya ee Soomaaliya.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa horey u shaacisay inuu fashilmay qorshe iyo isku day ay dowladda Kenya ku dooneysay inay ku maamusho qeybo ka mid ah Soomaaliya, markii ay ciidanka ay taageerto ee Cabdirashiid Janan ay soo weerareen Beled-Xaawo.