Qarax ka dhacay waddo uu maro Farmaajo oo keentay in deg deg laami loo saaro

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxtooyada Soomaaliya, gaar ahaan mas’uuliyiinta amiga ee Madaxweyne Farmaajo ayaa amray maamulka garaash gaadiidka lagu xareeyo oo ku yaalla inta u dhaxeysa Ceel-gaabta iyo Isgoyska Xamar Jajab inuu laami saaro hortiisa kadib markii todobaadyo ka hor halkaas uu qarax ka dhacay. 

Wadadaan oo ah marinka kaliya ee Madaxweyne Farmaajo ayaa ka baxda Madaxtooyada iyadoo gasha garoonka diyaaradaha ee Muqdisho waxaana markii ugu horreysay dhowaan ka dhacay qarax miino oo dhulka la geliyay.

Tan iyo markii uu dhacay qaraxaas, Madaxweynaha Soomaaliya kama uusan bixin Madaxtooyada waxaana hadda soo kordhay in laami la saaray meel bacaad ama carro cad ah oo laamiga dhinaciisa ah, halkaas oo la dhigay qaraxa waana garaash hortiisa. 

Sababta ayaa lagu sheegay in looga feejignaanayo in qarax dambe dhulka la geliyo si loo ilaaliyo amaanka Madaxweynaha oo la aaminsanyahay in mudooyinkaan uusan ka soo bixin Madaxtooyada sabab la xariirta arrintaan. 

Magaalada Muqdisho ayaa dhowrkii maalmood ee la soo dhaafay marti gelineysay qaraxyo halis ah, kuwaas oo sababay dhimasho iyo dhaawac badan oo soo gaaray mas’uuliyiin dowladeed, Saraakiil, Ciidan iyo Xildhibaano hore, waxayna arrimahaan abuureen wal wal badan oo dhanka ammaanka ah.