DF oo dib u dhacyo kala kulmeysa ballanqaadyada dowladaha saaxiibada la’ah

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaarada maaliyada Xukuumada Somalia ayaa ka hor timid ballanqaadyada fog ee dowlada kaga imaanaya beesha caalamka.

Wasaarada ayaa talaabo adag ku tilmaantay in dowlada ay aqbasho dhaqaalaha balanqaadka ah oo ay bixiyaan dowladaha saaxiibada ee xiriirka la leh Somalia, kuwaa oo aan wakhti loo qaban.

Wasaarada ayaa farta ku goday in dowlada ay aqbaleyso keliya dhaqalaha gacansaarka ah ee aan ku jirin ballanqaadka fog, sababo la xiriira dhaqaale horay loo ballanqaaday oo ilaa iyo hadda aan la bixin.

Wasiirka Wasaarada maaliyada waxa uu soo dhaweeyay dowladaha sida dhaqsiyaha leh ku bixinaaya dhaqaalaha ay u ballanqaadan, waxa uusa diiday in Somalia loo ballanqaado dhaqaale aan la bixineynin.

Waxa uu wasiirku tilmaamay in dowlada ay ka maarmi karto dhaqaalaha ay ballanqaadan dowladaha saaxiibada la ah Somalia, ee aan la bixin, waxa uuna carab dhabay in ballanqaadka uu ku batay dowlada.

Dowladihii hore ayaa inta badan wakhtigooda ku dhameystay ballanqaadyo aan laheyn fulin, iyadoo dowladihii saaxiibka la ahaa ay u qaban jirtay ballanqaadyo aan la cayimin.

Sidoo kale, Dowladii hore ayaa dhacday xili malaayiin dollar ay ka sugeysay dowlado dhowr ah kuwaa oo Somalia u ballanqaaday inay siinayaan dhaqalaha, hayeeshee ma aysan bixin.

Si kastaba ha ahaatee, Go’aanka dowlada iminka jirta ay ku laaleyso ballanqaadyada aan fulinta laheyn, ayaa kalsooni ka dhex abuuri karta Madaxda ugu sareysa dalka si loola socdo dhaqaalaha usoo xarooda dowlada.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com