DF oo go’aan kasoo saartay dalabka mucaaradka ee ah in is-beddel lagu sameeyo guddiyada doorashada

Muqdisho (Caasimada Online) – Xukuumadda Soomaaliya ayaa ku gacan seertay inay isbeddel ku sameyso guddiyada doorashooyinka ee la magacaabay kadib qeylo-dhaan kasoo yeertay mucaaradka iyo qaar ka mid ah musharaxiinta madaxweynaha.

Qeylo-dhaantan ayaa salka ku haysay tuhuno la xiriira inay guddiyada ku jiraan xubno ka tirsan hay’adda sirdoonka ee NISA, halka sidoo kalena uu muran ka taagan yahay in xubnaha Somaliland ay soo magacowday xukuumadda.

Hase yeeshee, Wasiirka Arrimaha Gudaha Jeneral Mukhtaar Xuseen Afrax, oo caawa shir jaraa’id ku qabtay xafiiska ra’iisul wasaaraha, ayaa sheegay in guddiyada ay yihiin sida loogu heshiiyey oo loo magacaabay, islamarkaana aan waxba laga beddeli doonin oo doorashada ay sidaas ku dhaceyso.

“Guddiyada sida loogu heshiiyay oo loo soo magacaabay waaye, waqtiga loogu tala galay doorashada inay dhaceyso, qof kasta oo Soomaali ahna waa u furan tahay inuu u tartamo waxyaabaha looga heshiiyay ka mid tahay,” ayuu yiri Jeneral Mukhtaar.

Waxaa uu intaas ku daray “Muhiimka waxaa ah in doorashada laga ilaaliyo wax carqalad iyo caqabad dhalinayo, in doorashada waqtigeeda ay ku dhacdo, wax kasta oo hakinaya oo waqtigeeda ama dariiqa looga heshiiyay ka leexinaya in aad looga fogaado oo la iska ilaaliyo, dowladda waxay diyaar u tahay  in waqtigeeda arrintaas ku qabsoonto, guddiga sida loo magacaabo u magacaaban yihiin sida loogu tala galay oo loo heshiiyay waqtiyada waqti walba wixii loogu tala galay inay qabsoomaan ayaa qorshaha uu yahay.”

Jeneral Mukhtaar ayaa sheegay in Xukuumaddu ay ku taagan tahay fulinta qodobada heshiiskii ka soo baxay shirarkii Dhuusamareeb iyo Muqdisho, waxuuna ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in kaalintooda ay ka qaataan sidii ay nabadgelyo ugu dhici lahayd doorashada

Hoos ka daawo wasiirka