Guddoomiyaha degmada Hodan oo qarax lala eegtay caawa iyo wararkii ugu dambeeyey xaaladdiisa

Muqdisho (Caasimada Online) – Qarax ayaa goor dhow ka dhacay waddada 21-ka October ee magaalada Muqdisho, kaasi oo lala eegtay guddoomiyaha degmada Hodan Cabdixakiin Cabdiraxmaan Ciise Dhagajuun.

Qaraxa oo ka dhashay miino dhulka lagu aasay ayaa lala eegtay baabuur uu la socday guddoomiyaha, ayada oo ujeedka uu ahaa in lagu dilo, sida aan xogta ku helnay.

Labo ka mid ah askarta ilaalada u aheyd gudoomiyaha ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen qaraxa. Sidoo kale wararka qaar ayaa waxay sheegayaan in uu dhaawac yahay gudoomiyaha degmada Hodan, balse ma cadda heerka uu la eg yahay dhaawaca gaaray.

Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda qaraxan.

Qaraxyada soo boodada ah ayaa habeenadii la soo dhaafay ku soo badanayay magaalada Muqdisho, iyadoo lala beegsanayay gaadiidka mas’uuliyiinta dowladda federaalka iyo kuwa gobolka Banaadir.

Toddobaad kahor ayaa sidan oo kale qarax ka dhacay nawaaxiga KM4 ka badbaaday Wasiirka Shaqada iyo Shaqaalaha Duraan Faarax.

Bil ka hor ayaa waxaa isna ka badbaaday qarax miino Agaasimaha Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha oo qaar ka mid ah ilaaladiisa ay waxyeelo ka soo gaartay.