DF oo guraneysa mirihii ay beeratay ee maamul xumo

Waxaa billaabatay gurashada mirihii laga dhaxlay magacaabista xilalka, oo ay dowladdu ku saleysay daacadnimo shakhsiyadeed, balse aan lagu saleyn aqoon, karti, waxqabad iyo awood hoggaamineed.  

Waxaa maalmahan la arkayey isku dhex yaac maamul, eexo magacaabiseed iyo muuqaallo cabsi leh oo kasoo muuqday dowladnimada iyo baahiyaha faraha badan ee loo qabo dowlad wax ka beddeli karta xaaladaha murugsan ee dalka ka jira. 

Musuq-maasuqa: Qeexidda musuq-maasuqa ayaa Soomaalida inta badan waxay ka haysataa mid aan sax ahayn, oo waxay u taaqaannaa lacago la xaday ama si khaldan la isu weydaarsaday, laakiin musuq-maasuqa intaas waa ka weyn yahay.  

Qeexidda musuq-maasuqa mid mid ahi waxay leedahay: Musuq-maasuqu waa nooc ka mid ah daacad-darro ama fal-dambiyeed uu ku kaco qof ama hay’ad loo dhiibo mansab, si uu u helo faa’iidooyin xaaraan ah ama ku takri-fala awoodda, islamarkaana dano gaar ahaaneed u adeegsada.

Haddaba adiga oo qeexiddaan ka duulaya waxaad eegtaa wixii dhacayey toddobaadyadan.

Waraaqo isburinaya oo ay wasiiro soo kala saarayeen; Guddoomiyihhi maamulka Gobolka Banaadir oo hanti umaddeed inta xoog ku qaatay kadibna dhegta dhiigga u daray, taliyaha NISA oo xilalkii hay’ad loo sharciyeeyey hadda inay dadka sidey rabto ka yeesho ku taxay caruur iyo mas’uuliyiin reerkiisa ah, iyo baarlamaanno aan fahamsaneyn inay dowladda ka mid yihiin oo ay mas’uuliyada ka saaran tahay.

Waxa ay hay’adaha dowladda walaaqayaan ayaa ahaa wararka xiisaha leh ee labadii toddobaad ee tagtay ee bal saar qeedxidda musuq-maasuaqa ee sare. 

Magacaabista jagooyin, ka aamusidda ku takri-falalka awoodda xafiisyada, isburrinta wasiirada iyo wasaaradaha laftooda waa musuq-maasuq ay ogoshahay cidda awoodda u leh oo ku daawaneysa tallaabana aan ka qaadeyn.

Khalad kastaa waa inuu meel yeeshaa, oo uu qof ku muteystaa ciqaabta u qalanta, haddii ay tahay luminta jagada, magdhow dhaqaale ama xabsi si looga gooyo falalkii uu ku kacay ee baal marsanaa sharciga, iyadoo madaxdana ay tahay in mas’uuliyaddooda ay qaataan, oo haddii dhibta aysan waxba ka qaban karin iska tagaan. 

Dalka waxaa dhibweyn ku haya waa:

1- In si musuq-maasuq ah jagooyinka loo magacaabo, iyadoon loo eegin aqoonta iyo hoggaaminta qofka la magacaabayo, sida xilalka aysan qaadi karin, iyagana sii magacaaba qaraabo iyo kuwa iyaga ka sii liita. 

2- Si musuq-maasuq ah hay’ado ama shirkado loogu xero qandaraasyo aysan tartan furan ku helin, hawshiina aysan fulin oo dhaqaale laga gurto.

3- In si musuq-maasuq ah loo siiyo qandaraasyo hay’ado hoose oo heshiis lagula galo saaxibtinimo iyo qaraabanimo ama saami lagu darsado.

4- In si musuq-maasuq ah aan loo dabagalin fulinta hawlaha dowladda, aqoondarri ama rabitaan la’aan midda ay doonto ha noqotee.

Hadal iyo dhammaantii xataa dagaalkii Al-Shabaab waa joogsaday, oo waxaa muuqata habacsanaan soo kordheysa oo keeneysa inay dib u qabsadaan meelo horay looga saaray.

Madaxdweynaha dalka iyo golihiisa fulinta waxaa laga rabaa inay dalka qaabka uu hadda ku socdo oo u muuqata naasnuujin ay u beddalaan mid ku dhisan aqoon, waxqabad iyo isla xisaabtan ku dhisan wax soo saar (maxsuul), shaqadana ka qaadaan wasiiradda, agaasimayasha iyo maareeyayaasha fadhiidka ah ee ay ku yimid u daacadsanaanta madaxda.

W/Q: Cumar Niagra – Muqdisisho
niagaraletting@gmail.com

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada admin@caasimada.net Mahadsanid.