DF oo jawaab kulul ka bixisay warka ay faafisay Kenya ee la xiriira ‘heshiiska’ badda

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa markii u horeysay ka hadashay war uu baahiyey wargeyska The Star, ee Kenya uu ku sheegay in Soomaaliya iyo Kenya ay ku gaareen heshiis ah inay si siman u qeyb-sadaan dakhliga dhul badeedka lagu muransan-yahay.

Wargeyska The Star ayaa qoray inuu arkay warqadaha heshiiska oo dhigaya saami wadaag ah 50:50, kaasi oo la filayo in dhowaan lagu saxiixo Doha, kaasi oo meesha ka saaraya kiiskii yaalay maxkamadda ICJ, sida uu sheegay.

Ra’iisal wasaare ku-xigeenka Soomaaliya, Mahdi Guuleed ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay heshiiska uu sheegay wargeyska, kaasi oo labada dal si siman ugu qeyb-sanayaan 50:50 kheyraadka badda lagu muransan-yahay.

Mahdi ayaa hoosta ka xariiqay in marnaba kiiska badda aan looga xaajoon karin meel ka baxsan maxkamadda ICJ, islamarkaana ay dowladda Soomaaliya sugeyso go’aanka maxkamadda.

Sidoo kale, Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Cabdinuur Maxamed ayaa asaguna wararka heshiiskaas ku tilmaamay mid ay dowladda Kenya ka leedahay ujeedo siyaasadeed, ayna ku rabto in bulshadeeda ku indho-sarcaado, maadama looga adkaaday kiiska badda.

Waxa uu ku tilmaamay heshiiska uu The Star baahiyey “maaweelo cusub oo dowladda Kenya ku jahwareerinayso bulshada”, sida uu hadalka u dhigay.

“Markii Dowladd Kenya ay u shaqeyn wayday damacii waalnaa ee ahaa annagaa iska leh badda, hadda waxay shacabkeeda u diyaarinaysaa inay ka tirtirto cajaladdaas, kuna maaweeliso dheefta ayaan wax ku leenahay haddii dacwadda nalooga adkaado,” ayuu yiri.

Warbaahinta Kenya, gaar ahaan wargeyska The Star ayaa hore u baahiyey in Soomaaliya iyo Kenya ay heshiis ka gaareen muranka Badda, kaasi oo ay dowladda Qatar gadaal ka riixeyso, oo ayadu kal hore dib usoo celisay xiriirkii diblumaasiyadeed ee labada dal.

Qatar ayaa saami ku leh shirkadda shidaalka ee Talyaaniga ee ENI, oo shidaal sahmin ka sameyneysa xirmooyin ku yaalla dhulka muranka ay gelisay Kenya, heshiiskaas oo ay la gashay dowladda Kenya.

Shirkadda Qatar Petroleum ayaa sidoo kale heshiis la gashay shirkadda shidaalka ee Faransiiska ee TOTAL, taasi oo ayada oo ay wehliso ENI ay leeyihiin 25% xirmooyinka shidaalka ee L11A, L11B iyo L12, kuwaas oo aan ka tirsaneyn dhul-badeedka ay muranka gelisay Kenya.

Xirmooyinka shidaal ee ENI ay ka iibisay Qatar ayaa la rumeysan yahay in cabirkooda uu dhan yahay 15,000 oo isku wareeg feet ah. Qatar ayaa qorsheysay inay shidaal sahmin ka sameyso dhulkaas sanadkii tegay, hase yeeshee waxay ka laabatay qorshahaas ayada oo aan si rasmi ah u shaacin sababta. 

Dowladda Qatar ayaa la fahamsan yahay inay dooneyso in kiiska badda ay labada dal ka gaaran heshiis, taasi oo meesha ka saareysa dacwadda taalla maxkamadda, si ay dhakhso ugu bilowdo sahminta shidaalka iyo ka shaqeysiinta saamiyada shidaal ee ay ku leedahay aaga lagu muransan yahay, hase yeeshe waxaa ilaa hadda si rasmi ah loo ogeyn halka ay ku biyo shuban doonaan dadaaladaas.