26.8 C
Mogadishu
Tuesday, June 24, 2025

DF Somalia oo ka hadashay faro-gelinta Imaaraadka iyo tallaabo ay qaadeyso

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Arrimaha Dibedda Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa ka hadlay heerka uu gaarsiisan yahay xiriirka ka dhexeeya dowladda Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta, isagoo hoosta ka xarriiqay inay jiraan tallaabooyin ay qorsheynayso Soomaaliya.

Fiqi oo wareysigaan siiyey VOA ayaa ugu horreyn la weydiiyey sida ay dowladda federaalka Soomaaliya u aragto safarkii uu Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Cirro ku tegay dalka Imaaraadka, iyadoo la siiyey maamuuska dal madax-bannaan.

Fiqi oo ka jawaabay su’aashaas ayaa yiri: “Horta Somaliland waxay ka mid tahay Jamhuuriyadda Soomaaliya, waan aragnay waxa Imaaraadku sameeyey, hadda wax kasta waxaa sabab u ah heerka aan joogno, balse waxaa socda qorsheyaal aan dejineyno.”

Wasiirka Arrimaha Dibedda Soomaaliya, ayaa intaas ku sii daray: “Waad aragteen in Axmed Madoobe uu Kenya tegay, iyadoo dowladda Soomaaliya aysan raalli ka ahayn, marka qorshe guud ayaan ka yeelan doonnaa.”

Wasiir Fiqi ayaa sidoo kale sheegay in dowlad-goboleedyada kale ay tagaan Imaaraadka, balse dowladda federaalka Soomaaliya ay waddo qorshe ay ku xakameyneyso fawdooyinkaasi.

“Xiriirka Soomaaliya iyo Imaaraadka waa fiican yahay oo ma xuma, laakiin waxyaabo qaar oo dowladda Soomaaliya ay tallaabooyin ka qaadi doonto ayaa jira. Waxaan ka dhabeyn doonnaa in dalka Soomaaliya aanaan faragelin u ogolaan,” ayuu yiri Wasiir Fiqi.

Sidoo kale, Wasiirka Arrimaha Dibedda Soomaaliya, ayaa caddeeyey in sida Imaaraadka ay jiraan dowlado kale oo si aan habbooneyn u farageliya arrimaha gudaha ee dalka Soomaaliya, kuwaas oo lagu xakameyn doono qorshaha ay diyaarineyso dowladda federaalka Soomaaliya.

Soomaaliya iyo Imaaraadka ayaa mudooyinkii dambe sii kala fogaanayey sababo la xiriira faragelinta qaawan ee Imaaraadka Carabta uga imaaneysa dalka soo kabanaya, waxaana suurtagal ah in mar kale uu go’o xiriirka labada dal.

Dowladda Soomaaliya ayaa muujineysa dulqaad, maadaama Xasan Sheekh doonayo in waddan kale uusan colaadin, sidoo kalena Imaaraadku uu meelaha qaar dhaqaale uga taageero Soomaaliya, taasi oo sababtay dulqaadka badan ee dowladda Soomaaliya ay u muujineyso sii socoshada xiriirka labada dal.

- Advertisement -

Read more

Local News