DF oo ku dhowaaqday in imtixaankii shahaadiga ee dugsiyada sare la kansalay

Muqdisho (Caasimadda Online) – Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdullaahi Goodax Barre ayaa Caawa ku dhawaaqay in la joojiyey Imtixaankiii Dugsiyada Sare oo ay qaadeysay Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya sida ay goor dhow qortay Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee SONNA.

War kasoo baxay Wasiirka ayaa waxaa lagu sheegay in imtixaanka uu markale dib u bilaaban doono 27-ka  Bishan May balse inta ka sokeyso uu istaagayo xilli ardayda Dugsiyada Sare ay mudo Saddex Maalmood ah imtixaanka galayeen .

Wasiirka Waxbarashada Soomaaliya Cabdullaahi Goodax Barre oo maanta dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho ayaa amray in la joojiyo Imtixaanka Berri ilaa xal looga helayo Qishkii baxay iyo sababtii keentay.

In kastoo Wasiirka uusan soo bandhigin sababaha loo joojiyey Imtixaanka Dowladda ayaa hadana Saddexdii Cisho ee la soo dhaafay waxaa Baraha Bulshada lagu faafinayay qishka maadooyinka ay imtixaankiisa ardaydu gelayaan taas oo keentay in la hakiyo.

Dad badan oo isugu jira Siyaasiyiin iyo Aqoonyahano ayaa Dowladda Soomaaliya gaar ahaan Wasaaradda Waxbarashada waxaa ay ku eedeynayeen inay mas’uul ka tahay in Imtixaanka habeen iyo Maalin Baraha Bulshada lagu faafiyo.

Dhinaca waxaa jira sheegaya in CID looga yeeray Guddoomiyaha Guddiga Imtixaanaadka ee dowladda Soomaaliya si wax looga waydiiyo arimahaan taagan ee ku saabsan Imtixaanka.