Odayaasha beelaha Abgaal iyo Habar-gidir oo go’aan ka gaaraya xaalada Xamar

Muqdisho (Caasimada Online) – Caasimada Online ayaa ogaatay in odayaasha dhaqanka ee matala dadka dega magaalada Muqdisho ay dhamaadka todobaadkaan Muqdisho ku yeelanayaan kulan looga tashanayo dhibaatooyinka ka jira magaalada Muqdisho.

Odayaashaan ayaa Caasimada Online u sheegay in ay dhib badan wajahaan dadka ku nool Gobalka Banaadir, oo ah Canshuur bixiyaal Islamarkaana ay kala-kulmayaan Dowladda Soomaaliya.

Kulankaan ayaa lagu wadaa in uu ka dhaco Guriga Senator Muuse Suudi Yalaxow oo ku yaala degmada Kaaraan ee Gobalka Banaadir, oo kulankii kan ka horeeyay lagu qabtay.

Odayaashaan ayaa sheegay in Muqdisho ay ku jirto xaalad aysan waligeed soo marin oo asyan kala kulmin dowladihii dalka soo maray bur burkii kadib.

Sidoo kale waxay sheegayn in ay dhowaan soo saari doonaan go’aano lagu badbaadinayo dadka ku nool Gobalka Banaadir oo wajahaya Xaalad adag oo aysan ku sii noolaan karin sida ay hadalka u dhigayn.

Kulanka todobaadkaan oo la filayo in uu qabsoomo Khamiista soo socota ayaa la aaminsanyahay in dhinacyada ay ka soo saari doonaan baaqyo hadii ay dowladda Soomaaliya ay wax kaqaban waysana ay soo saari doonaan go’aano xal u ah Muqdisho, sida ay noo sheegayn Odayaal katirsan waxgaradka arimahaan ku howlan.

Khamiistii la soo dhaafay ayaa kulan ay yeesheen Odayaasha Abgaal iyo Habar-gidir waxay ku sheegeyn in Dowladda Soomaaliya ay diiday in lagala hadlo Cunaqabataynta ay saartay magaalada Muqdisho iyo dilalka Ciidamada Booliiska Soomaaliya ay u geestaan dadka Shacabka ah.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com