DFS oo ku dhowaaqday tallaabo muhim ah oo ku saabsan darbiga ay Kenya ka dhiseyso xuduuda

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliya, ayaa wuxuu daboolka ka qaaday inay guddi u dirayaan xuduudaha, si ay u soo kormeeraan darbiga ay Kenya ka dhisayso xuduuda.

C/raxmaan Maxamed Xuseen (Odawaa) oo shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Muqdisho, ayaa waxa uu sheegay in Dowladda Somaliya, ay la socon doonto darbiga laga hirgelinaayo xuduuda Somaliya iyo Kenya.

Wasiirka, ayaa guddiga ay u dirayaan xuduudaha waxa uu ku sheegay mid looga gol lee yahay in lala socdo, sida ay Kenya darbiga uga dhisayso xuduuda ay Somaliya la wadaagto.

Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Somaliya, oo ka barbar hadlaayay Wasiirka Arrimaha Gudaha, ayaa wax muhiim ah ku sheegay in lala socdo xaaladda dhismaha darbiga.

Xildhibaanka waxa kaloo uu ka warbixiyay kulan ay maanta Magaalada Muqdisho kula yeesheen Wasiir Odawaa, wuxuuna sheegay inay kaga wada hadleen arrimaha qaxootiga Somaliyeed ee dalalka Kenya iyo Yemen, isla-markaana uu u sheegay in meel wanaagsani ay marayso u gurmashada Somalida Yemen.

Kenya, ayaa waxa bishii April lagu eedeeyay in goobaha ay darbiga ka dhisayso ay ku soo darsatay qaybo ka mid ah dhulka Somaliya, inkastoo Dowladda Somaliya aynaan jawaab sax ah ka bixin.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliya, C/salaan Hadliye Cumar, ayaa bishii April sheegay inaanay Dowladda Somaliya khuseynin darbiga, ay Dowladda Kenya ka dhisayso xuduuda.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com