QM oo loo gudbiyey warqad gilgishay Xasan Sh.

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddomiyihii hore ee Bankiga Dhexe ee Somalia Marwo Yusur Adan Farax Abraar oo xilkaasi isaga casishay Musuq-maasuqa ka taagan Somalia, gaar ahaan Bankiga Dhexe ee Somalia, ayaa xiligaani waxa ay dacwad u gudbisay QM.

Qoraal ay Yusur Adan u gudbisay QM, ayaa waxaa lagu sheegay inuu ka koobnaa ilaa 12-warqad kaasi oo ay kusoo gunaanadeysay Musuq-maasuqyadii ka dhacaayay Bankiga Dhexe iyo qaabka ay Madaxda DF Somalia u adeegsanayeen, iyadoona ay xusid mudan tahay in qoraalkaasi uu ahaa mid si gaar ah loogu abaaraayay Madaxweynaha Somalia iyo Xulifadiisa oo qaarkood aan iminka wax xil ah ka heyn DF Somalia.

Qeyb kamid ah qoraalkaasi ayaa waxaa la sheegay inuu ahaa mid ay QM ugu baaqeysay in ka hor inta aysan Somalia ka dhicin doorashada ay xisaabtan la sameeyaan DF, gaar ahaan Madaxweyne Xassan Sheekh oo la rumeysan yahay inuu sabab u ahaa Is Casilaadii Yusur.

Sidoo kale, nuxurka qoraalka oo aan iminka lagu soo koobi karin qoraal, ayaa waxaa kamid ahaa xisaab xir ay ku sameysay inta ay gaarsiisan tahay dhaqaalaha kaliya muddo kooban ay ku isticmaalen Xassan Sheekh iyo xubno uu kamid ahaa Cabdisalaan Cumar Hadliye, oo hadda ah wasiirka arrimaha dibedda.

Waxa ay sidoo kale, qoraalkeeda cusub ku dabaqday in ilaa iyo haatan uu socdo Musuqa lagu hayo Hantida Qaranka ee weli taala Bankiga, iyadoona qoraalka ku muujisay in mudada kooban ee xilka uga harsan dhaqaalaha ku jira Bankiga loo weecinaayo akoonada ay leeyihiin shaqsiyaad gaar ah.

QM ayay ku wargalisay inay il gaar ah ku heyso Hantida gabaabsiga ah ee xiligaani ku harsan Bankiga, taasi oo ay ka ooman yihiin shaqaalaha DF Somalia ee ka howlgala dhamaan Wasaaradaha, Hay’adaha Amaanka, taasi oo suuragalineyso in lala baxsado dhaqaalaha yaala iyo tan iminka ay balanqaadeen deeq bixiyayaasha.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com