WASIIR ODAWAA oo magaalada Cadaado tagaya & xiisaddii ugu weyneyd oo magaalada ka taagan

Muqdisho (Caasimada Online) – Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa in maalinta Tallaadada uu magaalada Cadaado u safri doono wasiirka arimaha gudaha iyo Federaalka Soomaaliya.’

C/raxmaan Maxamed Xuseen Odawaa, wasiirka arimaha gudaha Soomaaliya ayaa la qorsheynayaa inuu  ka duulo magaalada Muqdisho uuna tago magaalada Cadaado halkaasi oo uu ka socdo shirka maamul u sameynta gobolada dhexe.

Xogta aan helnay ayaa sheegaya in ujeedada socdaalkiisa ku wajahan Cadaado uu ku saleysan yahay dhameynta xiisada kasoo cusboonaaday magaalada Cadaado, kadib markii maamulka Ximan iyo Xeeb ay tabashooyin soo jeediyeen.

Sidoo kale waxaa jira warar sheegaya in socdaalkiisa la filayo inuu ku dhameeyo odayaasha kala duwan ee lasoo xulay ee soo dooranaya ergada soo dhisi laheyd madaxda maamulka gobolada dhexe ee dalka Soomaaliya.

Safarkiisa wuxuu kusoo aadayaa iyadoo gudiga farsamada maamul u sameynta gobolada dhexe ay sheegeen iney soo xuleen ku dhawaad 30 oday dhaqameed oo soo xula ergada maamulkaasi, halka C/Xasan Cawaale dhankiisa uu wado qorshe odayaal kale lagu soo xulayo.

Wararkana waxay sheegayaan inuu aqoon isweydaarsi odayaashaasi ugu qabtay magaalada Cadaado ee maamulka Ximan iyo Xeeb.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com