DHAGEYSO: LACAG dhan 200,000 oo dollar ayaa laaluush ahaan la iigu keenay anigana waan ka…

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyihii hore ee ciidamada Asluubta Soomaaliyeed Sareeye guuto Xuseen Xasan Cismaan oo ka hadlayay munaasabad uu shalay xilka ku wareejinayay ayuu kaga hadlay in boob loo geysto dhulka ciidamada asluubta Soomaaliyeed.

Sidoo kale taliyaha ayaa ka digay in boob loo geysto beeraha ciidamada asluubta ay ku lahaayeen duleedka degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Intii xilka uu hayay ayuu sheegay in loo keenay dhaqaalo badan oo looga dalbanayo inuu saxiixo lahaanshaha qaadashada dhulka ciidamada Asluubta leeyihiin oo shaqsiyaad ay doonayeen.

“Lacagtaas waxa ay ahayd mid la igu laaluushayey waana diiday” ayuu yiri.

Wuxuu sidoo kale sheegay in lala yimid warqado lagu cadeynayo in la leeyahay dhulka ciidamada Asluubta, laakiin warqadaasi ay ahaayeen kuwo laga soo sameeyay Cabdalle Shideeye, sida uu sheegay.

“Aniga inta xilka aan hayay waxaa isoo gaaray lacag la wado oo “labo boqol oo kun” oo doolar, laakiin waan diiday sababtoo ah dhulka asluubta ma bixin karo, Marka Goobe waxaan kaaga digayaa inaad lacagtaas oo kale aad qaadato”.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com