Xog: Qaraxyada iyo dilalka PUNTLAND oo muran ka dhex abuuray baarlamanka iyo maamulka P/L

Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo mudooyinkaani dambe uu deegaanada Maamulka Puntland marti galinaayo weeraro isugu jira Ismiidaamin iyo Qaraxyo, ayaa waxaa arrintaasi ka hor imaaday Mudanayaasha Baarlamaanka Maamulka.

Mudanayaasha ayaa sheegay in Qaraxyada iyo dilalka ka dhacaaya Deegaanada Maamulka ay kala xisaabtami doonaan Hogaamiyaha Maamulka C/weli Maxamed Cali ”Gaas” waxa ayna tilmaameen in sidoo kale, xukumada Maamulka ay gabtay kaalintii kaga aadaneyd xaqiijinta Amaanka.

Mudanayaashaan ayaa sheegay in aysan dooneyn in baaritaanada ay Puntland sameyso marka ay dhacaan falal ammaan darro, kadib ay kusoo dhamaadaan guul darro, taasina ay kula xisaabtami doonaan Maamulka.

Xildhibaan Cabdi casiis Saciid Maxamuud oo ka mid ah Xildhibaanada islamarkaana aqoon badan u leh arrimaha Ammaanka ayaa sheegay in Maamulka uu ka gaabiyay Nabadgalyada Deegaanka, sidaasi awgeena loo baahan yahay ka hortagto Weerarada ka hor inta aysan dhicin.

Dhanka kale, Xildhibaanadaan ayaa shalay Magaalada Gaakacyo kaga qeybgalay kulan gaar ah oo looga hadlaayay Amaanka, waxa ayna gaashaanka ku dhufteen in waajibka saaran uu yahay in Xukuumada ay horkeenaan Baarlamaanka si ay kala xisaabtamaan dayacnaanta Amaanka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com