Xog: Qorshe uu wado General Cabdi Qeybdiid oo laga hor-yimid iyo gudidga farsamada shirka oo..

Cadaado (Caasimada Online) – Gudiga farsamada maamul u sameynta gobolada dhexe ayaa si cad u beeniyay iney jirto odayaal kale oo uu xulay Cabdi Xasan Cawaale oo lagu xareeyay magaalada Cadaado.

Maxamed Xaashi Carabeey, gudoomiye ku xigeenka gudiga Farsamada maamulka gobolada dhexe oo la hadlay Idaacada Risaala ee magaalada Muqdisho ayaa sheegay iney ka warheyn qorsha uu wato Qeybdiid.

Wuxuu sheegay in iyaga ay yihiin dadka loo xil saaray maamul u sameynta gobolada dhexe ee dalka Soomaaliya, islamarkaana dowlada Soomaaliya ay kula xisaabtami doonto.

Maxamed Xaashi ayaa dhankiisa sheegay iney soo xuleen ku dhawaad 30 oday dhaqameed kuwaasi oo la doonayo iney soo xulaan xubnaha ergada ee dooneyso madaxda maamulka Galgaduud iyo qeyb kamid ah Mudug.

“Annaga ma maqal meel Cabdi Qeybdiid uu kusoo xulay odayaal, mana ahan wax soconaya waana mucaarad, laakiin annaga waxaan soo xulnay ku dhawaad 30 oday dhaqameed si ay ergada u keenaan” ayuu yiri Maxamed Xaashi.

Wuxuu qiray iney jiraan odayaal ka soo jeedo beelo daga gobolada dhexe oo arintaasi dhaliilsan laakiin dhankooda ay dadaal dheeri ah u gali doonaan sidii odayaasha loo qancin lahaa.

Caasimada Online
Xafiiska Cadaado
Caasimada@live.com