DF oo laga dalbaday hal arrin oo haddii aan la fulin dhibaato ka dhalan karta

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowlada Federaalka ah ee Somalia ayaa laga dalbaday inay baaritaan fog ku sameyso shaqsiyaadka looga shakisan yahay Ismiidaamintii ka dhacday Isgooyska Zoobe ee magaalada Muqdisho.

Dr Maxamuud Ismaaciil oo ka howlgala magaalada Muqdisho ayaa Madaxweynaha Somalia iyo Ra’isul wasaaraha ka dalbaday inay xaqiijiyaan kiiska weerarka.

Dr Maxamuud oo la hadlaayay warbaahinta maxaliga ah ayaa sheegay inay la socdaan khasaaraha ka dhashay Qaraxa, sidaa aawgeed aysan ka samri karin boqolaalka ku nafwaayay Qaraxa iyo kuwa ku dhaawacmay.

”Dowladu waxaan uga fadhinaa inay cadeyso mowqifkeeda ku aadan kuwa loo hayo kiiska ismiidaamintii ka dhacday Zoobe, waxaan dooneynaa inaan la daahin kiiskaas oo go’aan laga gaaraa inta uu cusub yahay dhiiga”

Dr Maxamuud waxa uu sheegay in dowlada Federaalka uu ugu baaqayo in xukun degdeg ah lagu fuliyo dadka loo hayo kiiska, waxa uuna xusay inaan la aqbali doonin in muddo intaa kabadan lagu raali galiyo halku dhigii ahaa ”waan ku dabajirnaa”.

Cabdiqani Macalin oo kamid ah macalimiinta wax ka dhigta Jaamacadaha Muqdisho ayaa sheegay in dowlada Federaalka ah laga doonaayo inay xukmiso dadka loo hayo kiiska Qaraxa.

Waxa uu sheegay in Qaraxaani uu ka duwan yahay kuwii hore isla markaana ay kula xisaabtami doonaan dowlada Federaalka.

Waxa uu Cabdiqani intaa raaciyay in dhibaatooyin farabadan ay ka dhalan doonaan haddii ay dhacdo in dowlada Federaalka ay daahiso kiiska kuwa loo hayo ismiidaaminta.

”Dowladu wey ku kalsooni weyn doontaa haddii ay dhacdo inay daahiso ragga loo hayo kiiska Qaraxa Zoobe, waxaan ballanqaadeynaa inaan ka hor imaandoono haddii ay dib dhigaan kiiska Qaraxa”

”Waayo waxaan ku weynay Carruur, Xaasas iyo waalidiin badan waxaan filaa inay nagu filan tahay khasaaraha ka dhashay”

Haddalka Dr Maxamuud iyo Cabdiqani ayaa kusoo beegmaaya xili dowlada Federaalka ay kiiskaasi u qabatay shaqsiyaad gaara.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com