“DF oo isku hubeneysa reer Mudug & G/gaduud”

Muqdisho (Caasimada Online) – C/waaxid Shire ”Indha yare” oo kamid ah indheer garadka ku sugan Gobolada Mudug iyo Galgaduud, ayaa warbaahinta u sheegay in DF Somalia ay Hubka isugu dhiibeyso dadka dega Goboladaasi.

Waxaa uu sheegay in Madaxweynaha Dowlada Federaalka ah ee Somalia Xassan Sheekh Maxamuud iyo Xulafadiisa ay si gaar ah u daneeynayaan Dagaal ka curta Gobolada Dhexe.

Waxa uu tilmaamay in ujeedka loo dhisaayo Maamulka cusub uu yahay mid leysaga hor keenaayo dadka deegaanka iyo waxgaradka.

C/waaxid Shire ayaa sidoo kale, tilmaamay in Dowlada Federaalk aysan mar’naba Rabin Xalisooni ka dhalata Gobolada Mudug iyo Gal-gaduud wuxuuna Carabka ku dhuftay in Shirkii kusoo Idlaaday Garoowe uu Xassan ku Maslaxay dhul ayna laheyn Puntland.

Waxa uu ka digay in Odayaasha iyo waxgaradka lagu indha sarcaadiyo dhismaha Maamulka, taasi oo uu sheegay inay ka dhalan karto dhibaato baaxad weyn.

Dhanka kale, Odayaasha ayuu sheegay in hamigooda oo idil ay siiyeen shirka ka socda Magaalada Cadaado, taasina waxa uu ku sheegay mid xaqiiqda ka fog.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com