General Indha Cadde oo weeraray Xasan Sheekh kuna qeexay go’aankiisii Garoowe mid qarow ah

Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo marba marka xigta ay sii kordhayaan Mas’uuliyiinta ka hor imaaneysa go’aanka Madaxweyne Xassan Sheekh uu ku raali galiyay Maamulka Puntland, ayaa waxaa arrintaasi mar kale ka hadlay Gen Yuusuf Indha cadde.

Yuusuf Indha Cadde oo iminka ku sugan Magaalada Cadaado, ayaa waxa uu kasoo horjeestay go’aanada uu Madaxweyne Xassan ku baalmaraayo qodobada ku jira Dastuurka dalka.

Waxa uu sheegay inuu kasoo horjeedo go’aanka uu Madaxweyne Xassan ku qeexay in Maamulka Gobolada dhexe loo sameynayo Galgaduud iyo Koofurta Mudug, waxa uuna taasi ku sheegay mid aan lala barbar dhigin masiirka Umadda Soomaaliyeed ee maamulka loo dhisaayo.

Indha-cade waxa uu sidoo kale, sheegay in heshiiskaasi uu yahay mid aan laga fiirsan islamarkaana ka horimaanaya Dastuurka, isaga oo carabka ku dhuftay in Madaxweynaha xaq loogu leeyahay in uu ilaaliyo Dastuurka.

Haddalka Indha Cadde ayaa waxaa kamid ahaa “DF iyo Maamulka Puntland cidna xaq uma laha inay go’aankaasi gaaraan, dadka labada Gobol ayaa loo baahan yahay inay iyaga ka tashadaan masiirkooda”

Geesta kale, Gen Indha Cadde ayaa sheegay in uusan socon doonin Heshiiska, isaga oo Puntland u jeediyay inay ka baxdo riyada ay ku dooneyso inay ku kala qeybiso Gobolka Mudug.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com