Wasiir Odawaa “Go’aanka MADAXWEYNE Xasan Sheekh in la qaato ayay maslaxadda ku jirtaa”!!

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha iyo Federalka Somalia C/raxmaan Maxamed Xuseen ”Odawaa”, ayaa sheegay in Shacabka Soomaaliyeed looga baahan yahay inay kalsooni ku qabaan Madaxda DF Somalia.

Odawaa, ayaa sheegay in baryahaani dambe uu maqlaayay dhaliilo laga bixinaayo Heshiiskii dhexmaray DF iyo Maamul Goboleedyada ee kusoo idlaaday Magaalada Garoowe.

Wuxuu tilmaamay in heshiiskaasi uu dhexmaray Soomaalida oo kaliya loona baahan yahay inaan lasii raacin kala qeybinta Mudug.

”Madaxweynaha Somalia isaga ayaa og wixii u wanaagsan umadda Soomaaliyeed, waxaan shacabka iyo waxgaradkuba ugu baaqayaa inaysan dib marin madaxda, Ergooyinka Cadaado iyaguna waxan ugu baaqeynaa inaysan dhaliilo iyo eedeymo ka muujin go’aanka uu Xassan Puntland ku raaciyay qeyb kamid ah Puntland”

Mar wax laga weydiiyay saameynta uu Gobolka la dhisaayo ku yeelan karo kala qeybinta Mudug, ayaa waxa uu sheegay inaysan jirin wax saameyn ah oo ka dhalankara, bacdamaa uu yiri Madaxweynaha uu goor hore ka fiirsaday saameynteeda.

Dhanka kale, Ergooyinka ayaa waxa uu ugu baaqay inay muujiyaan dhabar adeeg si heer looga gaaro hamiga laga qabo dhismaha Maamulka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com