Xog: Xasan Sheekh iyo beesha HABAR-GIDIR oo qaatay kullan lagu kala kacay kaddib markii uu…

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar hoose oo aan ka helnay ilo ku dhow dhow xafiiska Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka ah ee Somalia Xassan Sheekh Maxamuud, ayaa sheegay in Madaxaweynaha uu xafiiskiisa ku qaabilay Odayaal kasoo jeeda Beesha Habar-Gidir.

Wararku waxa ay sheegayaan in Odayaashaasi ay Madaxweynaha kala hadlayeen arrimo dhowr ah oo ay kamid yihiin Shirka Cadaado, Khilaaf hoosaadka u dhexeeya Ergooyinka iyo Go’aanka uu Madaxweynaha qabyada uga dhigay Maamulka cusub ee uu dhismihiisu socdo.

Odayaasha oo ay wehliyaan Siyaasiyiin, ayaa waxa ay madaxweynaha ku wargaliyeen inay aad kaga soo horjeedan go’aanka uu Maamulka Puntland ku raacsiiyay qeyb ka mid ah Mudug, waxa ayna taasi ku tilmaameen mid aan u cuntameynin.

Odayaasha ayaa waxa ay sidoo kale Xassan Sheekh ku dhaliileen go’aanka Ergooyinka ka socda Puntland looga saarayo Shirka socda, waxa ayna si cad uga soo horjeesten gafka uu ku baalmaray Dastuurka dalka.

Waxa ay ku andocoonaayen in go’aanka lagu raali galinaayo Puntland uusan saameyn ku yeelan doonin, iyagoona taasi cagsigeeda u sheegay inay kalsooni ku qabaan dastuurka dalka wixii kasoo harana aysan aqbali doonin.

Madaxweyne Xassan ayaa dhankiisa Odayaasha ugu baaqay inay aaminaan Madaxda qaranka wixii go’aan oo ay gaaraana looga dambeeyo.

Sababta uu Mudug ku raaciyay Puntland ayuu ku sheegay inay tahay mid laba maalin ku qaadatay sidii looga madaxbaneyn lahaa Puntland, balse ay taasi adkaatay si meesha looga saaro muran darteedna uu go’aankaasi u qaatay.

Odayaasha ayuu u balanqaaday in wax waliba oo dhaca maamulka la dhisaayo uusan saameyn ku yeelan doonin Puntland, islamarkaana qorshihiisu uu yahay in si ay farxad ku jirto u wada noolaan lahaayen Bulshada Maamulka loo dhisaayo iyo kan Puntland.

Geesta kale, Odayaasha iyo Siyaasiyiinta oo aan maslaxo u arag balamaha uu u sameeyay Xassan Sheekh ayaa lagu soo waramayaa inay fadhiga isaga kaceen kadib markii ay waayen go’aankii ay ka rabeen Xassan Sheekh.

Lama oga sida uu Madaxweyne Xassan ka yeeli doono xiisada ka dhalatay go’aanka uu Mudug ku kala qeybiyay, walow ay socdaan dadaalo hoose oo xal looga gaaraayo muranka ka dhashay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com