Dowladda oo mamnuucday in shaqaale Soomaaliyeed loo dhoofiyo dibadda + Sababta

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta soo saartay go’aan culus oo ay ku mamnuucday in dalka laga dhoofiyo shaqaale Soomaaliyeed, si ay uga soo xoosadaan dalalka caalamka.

Qoraal ka soo baxay wasaaradda, islamarkaana uu soo saaray wasiirka shaqada, Mudane Biixi Iimaan Cige ayaa lagu sheegay in wixii ka dambeeya 15-ka beeshan oo Talaadadii ku beegneyd la joojiyey in dibadda loo diro shaqaale ama xoogsato Soomaaliyeed.

Wasaaradda ayaa sidoo kale ku amartay dhammaan hay’adaha iyo shirkadaha bixiya adeega shaqo-siinta in aysan shaqaale qoran karin dalkana ka dhoofin karin.

Sidoo kale waxay intaasi kusii dartay in tallaabadaan ay qaaday kadib markii ay u cadaatay inay jiraan shirkado si sharci darro ah dalka uga dhoofiya shaqaale Soomaaliyeed, taas oo aysan ka war qabin wasaaradda shaqada kadibna ay dhibaato la kulmaan muwaadiniintaas.

Amarkan ayaa sidoo kale lagu socod siiyey hay’adaha ay quseyso, sida hay’adda duulista, hay’adda socdaalka & jinsiyadda, wasaaradda Amniga iyo wasaaradda Arrimaha dibadda.

Dhanka kale wasaaradda ayaa ruqsadihii iyo shatiyadii ay horay bixisay lala laabatay iyada oo baabi’say, kuna amartay shirkadaha ka shaqeeya arrimahaan in aysan ku shaqeyn garin.

Tallaabadan ayaa kusoo beegmeysa, xilli maalmihii u dambeeyey lasoo warinayey tacadiyo ay la kulmaan gabdho Soomaaliyeed oo shaqaale ahaan loo geeyey dalka Sacuudiga.