Ciidamada DF oo Al-Shabaab kala wareegay degaan muhiim ah oo ka tirsan Sh/Dhexe

Cadale (Caasimada Online) – Ciidanka Xoogga Dalka oo kaashanaya dadka deegaanka ayaa maanta ururka Al-Shabaab kala wareegay deeggaanka Cadcadeey oo hoostaga magaaladda Ruun-nirgood ee gobolka Shabeellaha dhaxe oo in muddo ah maamulayeen.

Gen. Axmed Maxamed Tareedisho oo ka mid ah saraakiisha hoggaaminayay howlgalka ayaa sheegay in ciidanka xoogga saakay ay si nabadgelyo ah gudaha u galeen deegaanka Cadcadeey kadib markii ay isaga baxeen Al-Shabaab.

Waxaa uu sheegay in howlgallada ay siwadajir ah u sii wadi doonaan Ciidanka Xoogga dalka oo kaashanaya dadka deegaanka guud ahaan dalkana laga saari doono Al-Shabaab, wuxuuna ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in qof walba uu u kaco sidii uu ula dagaalami lahaay Al-Shabaab.

La-wareegistan ayaa imaneysa ayada oo maalmihii ugu danbeeyey uu gaabis xooggan ku yimid kacdoonka ka dhanka ah Al-Shabaab oo bilihii tegay kooxda looga saaray deegaano badan oo ka tirsan gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe. 

Xildhibaan Maxamed Ibraahim Macalimuu oo kamid ah xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in hakad ku yimaada dagaalka Khawaarijta ay fursad u siineyso dib usoo rogaal celinta argagixisada jabka xoogan lagu gaarsiiyay dagaalka ay iska kaashanayaan ciidamada dowladda iyo dadka deegaanka.

“Hakad uu galo dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta, waxeey siineysaa fursad ay dib isugu urursadaan, kadib jabkii cuslaa ee soo gaaray. Geeso lo’aad kuleylkaa lagu gooyaa!,” ayuu yiri Xildhibaan Macalimuu.

Madaxweynaha oo Talaadadii khudbad ka jeediyay furitaanka kalfadhigga baarlamanka ayaa ballan-qaaday in dagaalka uu sii socon doono oo aanay jirin meel dib loogu laabto.

“Waxaan soo waayay ka Madaxweyne ahaan jid aan ahayn inaan difaacno karaamadeena, Islaamnimadeena iyo qaranimadeena. Dalka iyo dadkuba waxay innooga baahan yihiin xil gudasho dhameystiran, oo ah in aan dhinac uga soo wada jeedsano halka cadow ee Soomaaliyada maanta ay leedahay. Waa inaan isku garabsiino shacab iyo dowladba, sidii aan dalka oo dhan uga xoreyn lahayn halkaas cadow ee maanta aan leenahay,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.