DF oo Muqdisho ku xirtay Maxamuud Cumar Cadaan iyo ganacsato caan ah oo la xiriiray Al-Shabaab

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa xabsiga dhigtay ganacsato badan oo Soomaaliyeed, kuwaas Muqdisho ku xiran in ka badan shan maalmood.

Ganacsatada xiran oo u badan kuwo caan ah ayaa waxaa la sheegay in tiro ahaan ay gaarayaan tobaneeyo, waxaana ku jira Xaaji Maxamuud Cumar Cadaan oo ah ganacsade si weyn looga yaqaano magaalada Muqdisho, lana dhashay ganacsade Abuukar Cumar Cadaan.

Sheekh Cali Wajiis oo kamid ah ehellada Xaaji Maxamuud Cumar Cadaan oo la hadlay laanta Af-Soomaaliga ee VOA ayaa sheegay in sababta loo xiray ganacsatadan loogu sheegay inay la xariirto macaamil dhex maray iyaga iyo Al-Shabaab.

Sheekh Cali Wajiis ayaa sheegay in guddiga gaadiidleyda gobolka Banaadir oo uu guddoomiye ku xigeen ka ahaa Xaaji Maxamuud iyo guddiga kale oo iskaashatooyinka gaadiidleyda gobolka Banaadir ay ku mideysanyihiin ay isqabteen kadibna ay Al-Shabaab isku dacweeyeen.

“Sanadahaan ganacsatadu waa ay dhiban yihiin, culeysyo badan ayaa dhanka Al-Shabaab uga imaanaya, mar kasta waa loo yeeraa ganacsigooda ayaana wax laga weydiiyaa, mararka qaarna waxaa la sheegay inay aad xog ogaal ugu yihiin ganacsigooda,” ayuu yiri Sheekh Cali Wajiis.

Waxa uu sheegay in dowladda Soomaaliya aysan raali ka aheyn in loo tago Al-Shabaab, balse ganacsatadu aysan ku dhiira karin inay iska diidaan amarka Al-Shabaab.

“Horta weli ganacsatada xiran maxkamad lama geyn, balse anigu waxaan ku talinayaa, in ganacsatada waaweyn sida Xaaji Maxamuud Cumar Cadaan, Cadceed iyo dadka lamid ah in si gaar ah loola dhaqmo, xasaanad ayey leeyihiin, sax ma ahan in la isaga yeero ee la xirto,” ayuu yiri Sheekh Cali Wajiis.

Waxa uu sheegay in dowladda ay kala tali doonaan hadey yihii culumada sida ay ula dhaqmeyso dadka ganacsatada ah ee dhiban, si sharci loogu maro xataa hadii la xirayo.

Hoos ka dhageyso wareysiga Sheekh Cali Wajiis