Xayiraadda ay Soomaaliya ku sameysay qaadka Kenya oo dhalisay xiisad cusub

Nairobi (Caasimada Online) – Xayiraada Soomaaliya ee qaadka Kenya ayaa gudaha dalkaasi ka abuuray xiisad siyaasadeed cusub oo dab kusii qabtay loolanka ay siyaasiyiintu ugu jiraan xilalka ugu sareeya dalkaasi.

Tartanka doorashada ee dalkaasi ayaa u muuqda mid lugaha la galay qaadka xayiran, kadib markii ganacsatada qaadka Kenya ay cabasho xoogan ka muujiyeen qaadka ay mamnuucday dowladda federaalku.

Uhuru Kenyatta iyo William Ruto ayaa madax is-daray kadib markii ay labadooduba ay bilaabeen loolan xoogan oo ku aadan sidii ay hanan lahaayeen beeraleyda iyo ganacsatada qaadka.

William ayaa dhawaan ganacsatada qaadka u soo jeediyay inay khudaar beertaan, inta xal laga gaarayo xiisada dhoofka ah ee ka taagan qaadkaasi, si ay uga sameeyaan dhaqaale la mid ah midkii jaadka ama u dhow.

Aragtida Ruto ayaa waxa si weyn uga horyimid siyaasiyiin la sheegay inay aad ugu dhowyihiin madaxweyne UhurU, kuwaasi oo uga digay inuu faro-gelin ku sameeyo qadiyadaasi.

Sidoo kale waxay Ruto ku eedeyen inuu abuuray kacdoon ka dhan ah Uhuru, kaasi oo ay sheegen inuu uga dan leeyahay inuu hoos u dhigo sumcada madaxweynaha, isla markaana ay abaabulayaan banaanbax ka dhan ah dowladda oo lagu dalbanayo in la qaado tallaabo deg-deg ah.

Siyaasiyiinta Mucaaridka ayaa dowladda Kenya ku dhaliilaya inaysan dhigeeda Soomaaliya kala hadlin arrinta qaadka, ayna ku fashilantay in wax wada xaajooda ay ka furto arrintaasi.

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa dalka ka mamnuucday qaadka, taasi oo loo aaneynayo xiriir xumada labada dowladeed iyo sababo la xiriira cudurka Coronavirus, xili dib loo furay duulimaadyada gudaha iyo dibadda.