Beesha HABAR-GIDIR oo taageertay mid ka mid ah musharaxiinta madaxweyne

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maanta magaalada Muqdisho lagu qabtay kulan weyn oo beesha Habargidir ay ku taageereysay musharaxnimada hoggaamiyaha xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo ka mid ah musharaxiinta doorashada soo socota ee 2020/2021-ka ayaa waxaa maanta taageero iyo garab istaag u muujiyey beelaha Habargidir, ee uu kasoo jeedo.

Tallaabadan ayaa la sheegay inay bilow u tahay ololihiisa, waxaana lagu tilmaamay taageerada beesha uu ka heysto inay muujineyso in Cabdiraxmaan uu wado dadaal xooggan oo uu codad ku kasbanayo.

Kulankii lagu taageerayey Cabdiraxmaan Cabdishakuur ee maanta ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa waxaa goobjoog ka ahaa hoggaanka sare ee dhaqanka iyo midnimada beelaha Habargidir.

Prof. Cabdulqaadir Maxamed Shirwac oo ah guddoomiyaha dhaqanka iyo midnimada beelaha Habargidir ayaa ku sugnaa kulanka waxayna Cabdiraxmaan Cabdishakuur u balan qaaden garab istaag buuxa.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo kulanka ka hadlay ayaa sheegay in taageerada ay u dhiganto ama ka weyn tahay midda codadka ee ay xildhibaanada wax dooranaya bixiyaan.