DF oo qaaday tallaabo la xiriirta dagaalka SUDAN

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka oo maanta qaaday tallaabo la xiriirta dagaalka ka socda dalka Sudan ayaa billowday soo daad-gureynta muwaadiniinteeda ku xayiran dalkaasi, kuwaas oo u badan arday wax ka baraneysay magaalada caasimada ah ee Khartoum.

Dowladda ayaa si rasmi ah u billowday soo daad-gureynta muwaadiniinteeda ku xayiran dalka Sudan, iyada oo maanta ay magaalada Muqdisho soo caga soo dhigatay diyaarad sidday Soomaalidii u horeysay ee laga soo qaaday waddankaasi, kuwaasi oo ku xayirnaa dagaalka u dhaxeeya labada Jeneraal ee isku haya awoodda Sudan.

Danjire Cabdiraxmaan Nuur Diinaari oo ah ku-simaha xoghayaha joogtada wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay weli ku howlan tahay sidii ay dalkooda hooyo looga soo celin lahaa dadka Soomaaliyeed ee ay saameynta ku yeesheen colaadda ka taagan dalka Sudan.

Sidoo kale waxa uu si weyn ugu mahad-celiyay diblumaasiyiinta Soomaaliyeed ee ka howl-galayay safaaradaha waddamada deriska, kuwaasi oo uu sheegay inay door muhiim ah ka qaateen howlaha samata-bixinta Soomaalida ku xayiran dalka Sudan.

Dadka Soomaalida ayaa waxay kusii qul-qulayaan xadadka kala duwan ee Sudan la leedahay dalalka deriska, ayada oo diblumaasiyiinta Soomaaliyeed ay ku howlan yihiin fududeynynta sidii kumanaan muwaadin Soomaali ah  uga soo bixi lahaayeen dalkaasi.

Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in markale dagaal culus uu ka qarxay Sudan habeenkii Talaadada, inkasta oo ay xabbad-joojin ku dhowaaqeen dhinacyada dagaallamaya, halka ergeyga QM uu sheegay in xabbad-joojint ay qeyb ahaan dhaqan gashay.

Ciidamada Militariga iyo kuwa sida militariga u tababaran ee Dacmu Sariic ama RSF ayaa xabbad-joojin 72 saac isku raacay taasi oo billaabaneysay Talaadadii kadib dhex-dhexaadin ay sameeyeen Mareykanka iyo Sacuudi Carabiya.

Tan iyo markii uu dagaalka billowday 15-kii April, ciidanka Dacmu Sariic ayaa galay xaafadaha ay shacabka degan yihiin, waxaana militariga ay billaabeen inay dusha sare uga beegsadaan duqaymo.

Dagaalka ayaa xaafadaha shacabka ka dhigay furimo dagaal. Duqeymaha iyo hubka taankiyada ayaa dilay 459 qof, wuxuuna dhaawacay illaa 4,000 oo kale.