Wareysi: Gabar sheegtay in si gaar ah uu ganacsigeeda u beegsaday duqa Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Gabar lagu magacaabo Manaar Cumar ayaa wareysi ay bixisay ku sheegtay in si gaar ah uu u beegsaday guddoomiyaha gobolka Banaadir Yuusuf Madaale, isla markaana uu ka xiray seddax Hotel oo Muqdisho ay ku leedahay.

Habeenadii lasoo dhaafay duqa Muqdisho ayaa gudaha u galay dhowr hotel oo ku yaal Liido oo ay ka socdeen sida lasoo bandhigay waxyaabo aan fiicneyn, si gaar ah, waxaa goobahaas lagu isticmaalayey waxyaabaha maanka-dooriya.

Guddoomiyaha ayaa laga duubay muuqaal isagoo uleynaya gabdho iyo wiilal, waxayna Manaar ku dooday in Madaale uu ku qaldanaa tallaabadaas, isla markaana uu isku noqday maxkamad iyo fulin, maadaama uu gacantiisa ku uleeyey dadkii joogay meheradeeda.

Manaar waxay sheegtay in guddoomiyuhu uu si gaar ah u beegsaday seddax hotel oo Xamar ay ku leedahay, waxayna qiratay in goobahaas lagu iibi jiray Shiishada, balse aan lala geli jirin waxyaabo kale oo maan-dooriye ah, markii laga reebo hal Hotel oo jiif ahaa.

“Duqa Muqdisho wuxuu nagu bilaabay la dagaalan ganacsi, sababtoo ah wuxuu awooday inuu nagu amro inaan joojino waxa ay diidan yihiin, mida kale magaalada meel kale lama xirin waxaa la xiray goobaheygii oo kaliya, waana beegsi gaar ah” ayey tiri Manaar Cumar.

Sidoo kale gabadhaan ayaa ku dooday in dalka oo dhan laga isticmaalo Shiishada ay iibiso, balse ay jiraan ganacsato ayada ka daran oo iibisa maan-dooriye uu qaadku ugu horeeyo, sida ay hadalka u dhigtay.

“Muqdisho 27 meelood oo sideyda oo kale looga ganacsado ayaa ku taalla, amar ka soo baxay maamulkana ma diidneen, waan jooji laheyn waxa la diidayo, guddoomiyuhu waxa uu ku socdo khatar weyn ayey dalka ku tahay, sharciga ha soo maro Madaale,” ayey tiri.

Waxay sheegtay in ganacsigeeda uu sharci gaar ah u leeyahay, sida in qof 18 sano ka yar aan Shiishad laga iibin iyo in qof cabsan uusan soo geli karin xarumaheeda, sidoo kale waxyaabo kale sida Qaadka ayey sheegtay inay u diiday in lala soo galo.

Manaar oo wareysigaan siisay Idaacadda BBC ayaa sheegtay in gaar loo beegsaday oo ganacsi kale aan la xirin ilaa hadda, sidoo kalena laga xiray Hotel jiif oo Shiishad aan lagu iibi jirin.

“3-da Hotel waa la iga xiray mid ka mid ah waa Hotel la seexdo, kuwa kale hadii Shiishad magaaladaan lagu wada iibiyo uu ugu marmarsiyooday, kaas kale sababta uu u xiray ma garan karo, sharci darro ayaa la iiga xiray goobaheygii ganacsiga, iyadoo magaalada kuwii dhinacyada iga xigay ay xitaa ka furan yihiin.

Hoos ka dhageyso wareysiga