DF oo shaacisay caqabad ka haysata inay DALKA kusoo celiso ciidanka jira Eritrea

Addis Ababa (Caasimada Online) – Wasiiru dowlaha arrimaha dibadda Soomaaliya Cali Maxamed Cumar (Cali Balcad) oo ka mid ah wafdiga madaxweynaha Soomaaliya ee ku sugan dalka Itoobiya ayaa qeyb ka mid ah wareysi uu siiyey VOA wuxuu uga hadlay arrimaha ku gedaaman in ciidanka Soomaaliyeed ee tababarka u jooga dalka Eritrea dib loogu soo celiyo dalkooda.

Wasiirka ayaa sheegay in ayadoo la fulinayo balan qaadkii madaxweynaha in ciidankaas dalka lagu soo celi doono, balse ay u baahan tahay in tallaabadaas la qaado kharash aad u badan.

Sidoo kale Wasiiru dowlaha arrimaha dibadda Soomaaliya wuxuu xusay in dowladda Soomaaliya ay raadineyso cid ka gacan siisa soo celinta ciidankaas iyo kharashka ku baxaya.

“Sidii madaxweynuhu sheegay ciidankaas waa la soo celi doonaa, laakiin soo celintoodu waxay u baahan tahay dhaqaale badan, sida gaadiid, xeryihii la deji lahaa iyo qalabkii ay ku dagaalami lahaayeen, marka waxaa socota raadinta waxyaabahaas oo dhan iyo wadahadaladii ku saabsanaa, hadii Alle yiraahdana waqti dhow ayaa ciidankaas lasoo celinayaa,” ayuu yiri Wasiiru dowlaha arrimaha dibadda Soomaaliya Cali Balcad.

Warar ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaya in Madaxweyne Xasan Sheekh uu qorsheynayo in safar kale uu maalmaha soo socda dalka Eritrea ku tago, si arrimaha soo celinta ciidankaas uu horay ugu sii dhaqaajiyo.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa maalmo kadib markii la doortay ka degay Asmara, waxaana markaas la arkay muuqooda, lana helay xogta ciidankii uu Farmaajo tababarka ugu diray dalkaas mudo laga joogo 3-sano.

Madaxweyne Xasan ayaa ololihiisii doorashada ku galay in si deg deg ah uu ciidankaas dalka ugu soo celi doono, hadii la doorto, si balan-qaadkaas uu u fuliyo Eritrea waxay ka mid aheyd dalalkii ugu horeyey ee uu u safray.

Sababta ilaa hadda loo soo celi la’yahay ciidankaas tababarka dhameystay sanadkii 2020, waxaa la aaminsan yahay inay tahay kharash la’aan iyo deganaasho la’aan siyaasadeed oo dalka ka jirtay wixii hadda ka horeeyey.