DF oo shaacisay in la xiray shaqsigi bixiyey imtixaanka

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha Booliska Soomaaliya Bashiir Cabdi Maxamed Ameeriko ayaa sheegay inay soo qabteen shaqsi la tuhmaayo inuu bixiyay qishka Imtixaanaadkii Dugsiga Sare ee dalka.

Eedeysanaha Booliska ay soo qabteen ayaa lagu magacaabaa Jamaaludiin Xasan Xersi oo 29 jir ah, kaasi oo ka shaqeeya Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya.

Taliyaha ayaa sheegay shaqsigaan in loo gudbinaayo maxkamad si looga qaado tallaabo sharciga waafaqsan.

Wuxuu sheegay inay socdaan baaritaanka ku aadan shaqsigaan & shaqsiyaad kale oo lala xiriirinaayo inay wax ka ogaayeen bixinta qishkii imtixaanaadka ee dowladda.

“Waxaab rabaa in aan shacabka Somaliyed la wadaago in Qaybta baarista dambiyada Booliska ay soo qabteen shaqsi la tuhmaayo inuu ka dambeeyay qishkii la bixiyay ee Imtixaanaadka, shaqsigaasi waxaa lagu magacaabaa Jamaaludiin Xasan Xersi 29 jir ah oo ka shaqeeya Wasaaradda waxbarashada Soomaaliya.”

Qishkii Imtixaanaadka la bixiyay ayaa waxaa ka dhashay in Wasiirka Waxbarashada Soomaaliya uu joojiyo dhamaan imtixaanaadkii Shahaadiga ahaa ee socday, taasi oo dhalisay in Ardayda Banaanbaxyo ay ka dhigaan Magaalada Muqdisho gudaheeda & Gobolada dalka qaarkood.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com