Agaasime cusub oo loo magacaabay Villa Somalia

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa u magacaabay Dr. Nuur Diiriye Xirsi (Fuursade) inuu noqdo agaasimaha guud ee Madaxtooyada Soomaaliya.

Qoraal uu soo saaray ayuu madaxweynaha ku yiri “Waxaan maanta u magacaabay Dr. Nuur Diiriye (Fuursade) inuu noqdo Agaasimaha Madaxtooyada. Intii uu kamidka ahaa La-taliyeyaashayda, wuxuu muujiyay inuu yahay shakhsi hufan oo daacadnimo iyo hawlkarnimo ay u dheertahay, waxaana Alle uga baryayaa inuu xilkan culus u fududeeyo.”

Fuursade ayaa beddelaya Drs. Aamin Saciid Cali, wuxuuna noqonayaa agaasimaha afaraad ee madaxtooyada Soomaaliya.

Caasimada Online ayaa labadii bishan si khaas ah (Exclusive) u shaacisay in xilkan loo magacaabayo Nuur Diiriye Xirsi (Fuursade). Halkan hoose ka aqri warkii aan qornay, iyo xog ku saabsan xiriirka Fuursade kala dhaxeeya qoyska madaxweynaha. Halkan Riix.

Nuur Diiriye Fuursade, waxay ehel yihiin xaaska madaxweyne Farmaajo, Zaynab Cabdi Macallin.

Sida ay noo sheegeen ilo-wareedyo ku sugan Villa Somalia, magacaabista Nuur ayaa waxaa aad ugu ololeeyey oo muddo ka shaqeynayey Cumar Faaruuq Cabdi Macallin oo la dhashay Zaynab Cabdi Macallin.

Nuur Diiriye Fuursade ayaa waxa uu qabaa Xuriyo Aadan Yuusuf oo habaryar u ah Zaynab iyo Cumar Faaruuq, lana dhalatay hooyadood Bishaara Aadan Yuusuf.

Nuur Diiriye Fuursade ayaa waxa uu kasoo jeeda beesha Sacad ee Habar-Gidir oo sidoo kale ay Dr. Aamina, ay kasoo jeedo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com